Garoonka Koonis Oo Maanta Cowskii Lagu Goglay+(Sawir)

Tuesday 18 December 20120 comments



Waxaa Maantay si toos ah loo bilaabay Dhigista Cowska Garoomada lagu Ciyaaro kubada Cagta Garoonka koonis Stadium ee Magaalada Muqdisho



Arintan ayaa ah Tii ugu Farxada badnayd Shaqadi Sports ka Somalia 20 Sano ee La soo dhaafay iyadoo Ciyaariyahanada Ciyaara Kubada Cagta Dalka ay ka qaadi doonaan dhiiranaan aad u weyn oo dhanka xirfadooda kubada cagta.

Tan iyo Bur burkii Dowladii dhaxe Somalia Nasiib una yeelan in Kubada Cagta iyo Ciyraaha nuucyadooda kale duwan ay habsami usocoto waxaan bur buray Garoomadii kubada Cagta lagu ciyaari jiray Sida Muqdisho Stadium iyo koonis Stadium.

Xiriirka Kubada cagta Soomaaliya ayaa hada horey u qaaday tilaabo dhanka hor marka ah maadaama ay ku guuleesteen in la keeno lana dhigo Cooska macmalka ah ee la dhigo Garoomada kubada Cagta ee Soomaaliya.

M asuuliyiin katirsan Xiriirka Kubada cagta Soomaaliya oo maanta kusugnaa garoonka Koonis ee la dhigayay Cooska ayaa sheegay in mudo 5-Maalin ah ku qaadan doonto dhigista Cooska marka ay ku guuleestaana ay usoo jeesan doonaan dhisida Garoonka qeybhiisa kale.

Waana tilaabadii ugu horeesay ee dhanka hormarka ah ee gaaraan Xiriirka kubada Cagta Soomaaliya iyadoona bulshada Soomaaliyeed aad usoo dhaweeyeen in Muqdisho garoon kuyaala la dhigo Cooska Macmalka taa oo Ciyaartowda Soomaaliya markii ay dibada tagaan ku adkaan jirtay la qabsiga iyo ku ciyaarida garoomada cooska leh.

















______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved