''Dhibkii Qabsaday Soomaalida Ku Dhaqan Dalka Zambia +(Vedio)

Tuesday 18 December 20120 comments



Soomaalida ku nool dalkaas Zambiya ayaa waxaa la sheegay inay la soo gudboonaatey cabsi iyo wel wel joogto ah ka dib markii uu nin Soomaali ah uu madax ka toogtey nin Zambian ah oo shaqeynaayey arintaas oo keentay in Soomaalida ku nool dalkaas lagu qaado weeraro hantidoodana la bililiqeysto.



Ninkaan Soomaaliga ah oo lagu magacaabo Cumar Maxamed Xaashi oo ku noolaa magaalada Ndola ee dalkaas Zambia ayaa waxaa la sheegay inuu madaxa ka toogtey nin u dhashay dalkaas Zambia oo lagu magacaabi jirey Holland Kabaso ka dib markii uu ninkaas Soomaaliga ah uu ka caroodey ninkaas oo weydiistey mushaarkiisa laba bilood oo uusan bixin ninkaas Soomaaliga ah ee loo shaqeynaayey, Ninkaan la dilay ayaa waxaa la sheegay inuu dhowr jeer ku cel celiyey ninkaas inuu siiyo lacagtiisa musjhaarka ah ee uu ku lahaa ninkaas Soomaaliga taas oo keentay inuu Soomaaligu oo toogto ninkaas miskiinka ah ka dibna uu meeshaas ka baxsadey, Laakiin ay booliisku ku guuleesteen inay gacanta ku soo dhigaan ninkaas oo ayna xabsiga dhigaan.




Ugu dambeyntiina iyadoo sida ay sheegtay haween la deris ahayd ninkaas Soomaaliga ee falkaas waxashnimada ah ku kacay ay dhowr jeer uga digtey ninkaas la toogtey inuu isaga tago meesha maadaama uu ninkaas Soomaaligu uu isticmaalay daroogo iyo waxyaabaha maskaxda dooriya ayaa arintaasi aysan dhicin oo ninkaas lagu dilay goobtaas, Dadweyne badan oo reer Zambiya ah oo goob joog u ahaa falkaas waxashnimada ah ee uu ku kacay Soomaaligaas ayaa waxay halkaas ka bilaabeen inay bililiqo u geystaan hantada dadka Soomaaliyeed iyagoo islamarkiiba ka bilaabay gurigii uu degenaa ninkaas gacan ku dhiiglaha ah oo ayna ka qaateen wixii alaab u yaalay ka dibna ay halkaas magaalada oo dhan ay ku faaftey bililiqeysiga hantida iyo guryaha dadka Soomaaliyeed iyadoona dhaawac iyo dhibaato loo geystey ilaa iyo 38 guri ay dad Soomaali ah ay lahaayeen, bolliska ayaa sidoo kale ka daad gureeyeen qoysas Soomaaliyeed oo gaaraayey ilaa iyo 600 qofood guryahooda sababo la xiriiro amnigooda, Gacanku dhiiglihii dilay ninkaas oo dhawaantaan la horkeenay maxkamada ayaa lagu soo eedeeyey inuu geystey dilkaas iyadoona ay maxkamadiisu dib u furmi doonto 3 Janaayo ee sanadka soo socdo ninkaan ayaan la sheegay inuu waqtigaas ku sii jiro doono xabsiga islamarkaana aan loo ogoleyn wax damiin ah in lagu sii daayo.




______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved