Ururka hormarinta Hooyada & dhallaanka oo Maanta Muqdisho ka furay Xarun Caafimaad + sawiro

Tuesday 18 December 20120 comments



Ururka hormarinta Hooyada & dhallaanka maternal mercy & Development org ayaa maanta waxa uu ka furay xarun caafimaad (Health center) degmada wadajir, iyadoo islamarkaana laga bixinayay daawooyin lacag la,aan ah ka dib markii la visiteeyo ilmaha iyo hooyooyinka, xaruntan oo ah xaruntii labaad ee laga furo magaaladda muqdisho ayaa maanta ka faaidaystay 150 ruux oo isugu jira hooyooyin uur leh , kuwa nuujinaya iyo waliba ilmo yar.

Gudoomiyaha ururkan Maternal Mercy & Development Org (MMD) Asad Abukar Ali (Asad Dhayow ) oo qudbad kooban ka jeediyay faritaanka ayaa sheegay in xaruntan ay ka faaideesanayaan bukaanka ku sugan goobta laga furay oo ah xeryooyinka kaamamka ee dadka soo barakacay.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa sheegay furtitaanka Xaruntan Caafimaad ee ay ka fureen maanta gudaha safaaradii hore ee Ameerikaanka oo haatan ku sugan barakacaay aad u fara badan in ay timid ka dib markii ay codsiyo ku aadan dhanka caafimaadka in ay ugu yimideen dadka ku sugan kaamakaas “ furitaanka waxa ay jawab u tahay codsigiinii aad inoo soo jeediseen waana idiin furan yahay maanta wixii ka danbeeya waana la idiin baarayaa dawo lacag la,aan ahna waa la idiin siinayaa’. Ayuu yiri Asad Dhayow, sidoo kale waxaa uu balan qaaday in maalmaha soo socda ay keeni doonaan umulisooyin taba baran oo si wayn u caawin doono hooyooyinka umulaya iyagoo maalin walbo si lacag la,aan ah u fulinaya howsha.

Dhanka kale gudoomiyaha ayaa sheegay in aysan wax hay ad ah ka gacan siin mashruucan lagu furay goobtan oo ay iyaga ururkooda iska soo aruuriyeen qarashaadkan si ay wax ugu qabtaan oo ay caafimaad wanaagsan u helaan hooyooyinka iyo ilmahoodda.

Goobtan maanta laga furay xaruntan caafimaad ayaa waxaa ku nool qoysas aad u farabadan oo tiradooda gaareyso 7,000 todoba kun oo qoys ,

Dadkii deegaanka xerada ayaa si aad ah ugu mahad celiayay waxa ayna sheegeen in xili aad u wanaagsan ku soo aaday in laga furo xaruntan waayo beey yiraahdeen waayahan danbe waxaa aad usoo badanayay caafimaad daro baahsan oo haysay dadka ku sugan xaruntaasi iyo waliba hooyooyin badan marka ay umulayaan aanan heli jirin umulisooyin xirfad leh.























______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved