Ciidamada Amisom Oo Tacadiyo Ugeeysta Haweenka Ku Dhex Ganacsada Goobaha Ay Deganyihiin Ciidamadaasi

Monday 3 December 20120 comments


Waxaa Maanta dhacdo yaab badan ka dhacday Xarunta Xalane oo ah Saldhiga ugu weyn ee Ciidamada AMISOM ku leeyihiin Magaalada Muqdisho iyadoona dhacdadan maanta ka dhacday Xaruntaasi ay kasoo baxayaan Warar kala duwan.

Qaar kamid ah Haween Goobo ganacsi ku leh Gudaha Xarunta xalane ayaa sheegay in Galabta ay arkeen 6-Haween ah oo ganacsato Suuxsan ay Ciidamada AMISOM soo dhigeen mid kamid ah ilbaabada xaruntaasi kadib markii ay Banaanka usoo saareen Ciidamada AMISOM.

Haweenkan ayaa ilaa hada aan la ogeyn waxa ku dhacay waxaana la sheegay in Dukaamo ku dhax lahaayeen Xarunta Xalane galabtana ay Ciidamada AMISOM iyaga oo garabaha ka haya banaanka usoo saareen ,waxaana la sheegay in Haweenkaasi xiligii lasoo saarayay ay miir daboolnaayeen ama suuxsanaayeen.

Lama sheegin ilaa hada waxa lagu sameeyay Haweenkaasi hasa ahaatee waxaa soo baxaya Warar ku aadan in Haweenkaasi ay waxyeeleen Ciidamada AMISOM ugu yaraan ay sumeeyeen ama ay siyaabo kale yeeleen inkastoo la sheegay in aysan wax dhaawacyo kufsi ama dhaawacyo kale ka muuqdan Haweenkaasi.

Qaar kamid ah Dadkii u gurmaday Haweenkaasi iyaga oo suuxsan laga soo saaray Xarunta Xalane ayaa sheegay in ay ka yaabanyihiin waxa lagu sameeyay haweenkaasi laga soo saaray Xalane iyaga oo dhamaan miirka wada la’ ama suuxsan ayna u gudbiyeen Haweenkaasi Eheladooda iyaga oo miirka la’ .

Dadka ku dhax ganacsada Xarunta Xalane iyo dadka degan xaafadaha ku dhaw dhaw Xalane ayaa ka sheeganaya Ciidamada AMISOM ee xaruntaasi dagan dhibataooyin xoogan ku hayaan dadka .

Dhawaan ayey aheed markii Ciidamada AMISOM ee Xalane Dagan ay Dileen Hooyo Soomaaliyeed oo Ganacsato aheed taa oo ASkar katirsan Ciidamada AMISOM ku laheed lacag badan una yeereen Xili Habeen ah iyagoo u sheegay in lacagteeda siinayaan balse markii ay u timid toogtay oo dhoor xabad la dhacay iyagoona diiday xitaa in Meydkeeda la qaado saacado badana ay heesteen Ciidamada AMISOM.

Majiro wax war ah ay kasoo saareen Taliska AMISOM iyo Dowlada Soomaaliya Tacadiyada xanuunka badan ay u geestaan Shacabka Soomaaliyeed oo hada kasoo kabsanayay Madaafiicdii BMka ahaa ee AMISOM ku leysay Dad badan oo shacab ahaa xiliyadii ay Dagaaladu socdeen.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved