4 BILOOD KADIB OO MSN LA XIDHAYA

Monday 3 December 20120 comments


(Adeega fariimaha tooska ee Windows live Messenger ayaa xidhmi doona March 2013, afar iyo toban sano kadib markii la bilaabay.waxaa dadka lagu dhiiri galinaya in ay u wareegan Banaamijka ugu danbeeyay ee Skpee oo ay dadku ku wareegsan karaan Saaxiibadooda ku jira MSN-ka).

9 Novermber, 2012 Waxaa sida lagu sheegay BBC-da laanteeda afka somaliga gaar ahaan barnaamijka Click ee ka warama arimaha tiknoolajiyada.http://www.bbc.co.uk/somali/maqal_iyo_muuqaal/2012/11/121108_click08112012.shtml.

Sidaan warka ku maqlaynay 4 bilood ka dib waxaa la xidhaya Windows Live Messenger oo ay somalidu inta badan u isticmaasho in ay ku wada hadlaan Si maqal iyo muuqala, makra ugu horeysa waxaan ku dhiiri galinaya in ay dadku ka tabaabushaysaan intaanay qabtu ku dhicin (lagu dul xidhin)!!

Waxaa jira dhowr shirkadood oo qabta mid lamida ta Window live Messenger ka, waxaana ka mid ah ka ay shirkadu inagu dhiira galisay ee ah Skype, sidoo kale waxaad isna isticmaali karta Yahoo Messenger.

Anigu waxaan is yara tusay in halkaas ay fursad uga banaantahay somalida, waxaa jira dad aad u badan oo ku xidhna MSN ka, maadama la xidhayo waxa ay samayn karta cidii awooda website ay dadku ku wada xidhiidhi karan oo shaqadan oo kale qabta. Xata websiteyada wararku sida way samayn karaan iyagoo wartabintoodi wata ayay hadan u samayn karaan dadku meel ay ku wada xidhiidhan iyaguna waxay heli lahaayen macali badan.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved