Hablaha Kabaha Cirbaha Dheerleh Xirta Iyo Kuwa Gaariga Dushiisa Kofeega Ku Cabo Oo Int Badan Sababa Shilalka Ugu Badan Caalamka.

Monday 3 December 20120 comments

Cilmi baaris laga sameeyay shilalka caalamka ayaa la ogaaday in kuwa ugu badan ay gaystaan Haweenka xirta Kabaha cirbaha dhaadher leh ama Kabaha leh taakada dambe ee dheer,Eeyaha la saarto Baaburta oo waliba kursiga hore la saaro,weelal laga cabay Coffey-ga ay dhamaan mas’uul ka yihiin shilal badan oo caalamka ka dhacay oo UK ay ku jirto.


Waxa jira wax yaabo ay ka siman yihiin haweenka iyo raga shilalka dhanka gawaarida taas oo ah Weelalka Kafeeyga iyo Eeyaha oo kuraasta hore baaburta lasoo saarto laakin waxaa ay haweenka sii dheer yihiin Ragga dhanka waxyaabaha sii badiya shilalka waa Kabaha Cirbaha ama taakada dheer ku leh qeybta dambe ee hoose kabaha ay haweenkaas xertaan.

Baaris lagu sameeyay ilaa 13 milyan oo shilal ah oo ka dhacay gudaha wadooyinka Britain ayaa lagu ogaaday in ay sababeen saddex sheey oo kala ah Eeyaha kuraasta hore la saarto,Weelaka laga cabay Bunka ama Kafayga iyo Kabaha cirbaha dhaadheer ay haweenka xirtaan ama ay ku labistaan.

Warbixintaan ayaa sheegaysa in 44% haweenka xerta kabaha dhaadheer aysan awoodin inay joojiyaaan oo ay lugta si sax ah ula helaan Bareek ama Fariinka iyo Firisiyoonka ama Clutch-ka.

Haweenka galay shilalkii ugu badnaa ee kabaha dhaadher xertay ayaa da’dooda u dhaxaysay 35 jir ilaa 34 jir sidoo kale waxay la ciyaaraan Eeyaha iyagoo qeybta hore gaariga soo saarta isagoo gaariga xawaare sare ku socdo ay dhaco inay eeyga la ciyaaraan iyagoo xeran Kabaha dhaadher ama gadaal ku leh taakooyinka dhaadheer kadibna ay awoodi waayaan inay dhaqso fariinka ku qabtaan waxaana ugu wacan Kabahaas oo mararka ay la gaari waayaan lugta.


Daraasaddaan ayaa sheegaysa in Weelalka laga cabay Coffeey-ga ay marka laga dhamaysto ay dhacdo in gaariga dhexdiisa ay dhigtaan kadibna ay dhacdo inuu galo Bareek ama Fariinka hoostiisa kadibna uu taako ku noqdo isla markaasna uusan tagin Padel-ka Fariinka booska saxda ah ee uu ku istaagaayo kadibna gaariga uusan istaagin.

Sidoo kale Eeyaha la fariisiyo qeybta hore gaariga ay tahay Qatar kale oo jirta iyadoo Eeyga mararka qaar oo gaariga socdo uu isku dayo inuu daaqadda ka baxo oo uu ka boodo isla markasna ilaalintiisa ay ilaawsiiso halka hortiisa ah qofka gaariga wado oo inta uu dhinaca Eeyga fiirinaayo uu isaga shil galo oo uu ku dhaco gaari kale ama meel ku dhufsado gaariga taas oo ah xaalad aan wanagsanayn oo dhibaatadeeda leh.


Ra’yi aruurin laga qaaday inka badan 2 kun oo ah dadka ku takhasuusay gawaarida ayaa sheegay in Qofka darawalka gaariga ama baaburka wada ee saddexda sheey aan soo sheegnay gaariga ku haysto ay ka Qatar badan yihiin ilaalintiisa wadada uu ku socdo isla markasna qofka uu isku keeni Karin inuu hortiisa iska fiiriyo halka gaariga uu ku socdo iyo in gudaha gaariga sida Eeyga ama Kabaha dhaadher ay gabdhaha xirtaan ama Weelasha Kafayga laga dhamaystay uu feejignaan dheeri ah siiyo.

Ugu dambeeyn Daraasaddaan waxay talo u soo jeedinaysaa dadka gawaarida wada oo ay kula talinaysaa inay mar kasto gaarigooda nadiifiyaan si weelasha kafeyga lag cabo aysan u hoos galin Fariinka iyo Farisiyoonka.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved