Roobab Dabeylo wata oo ka bilowday Xeebaha G/Bari Ee Soomaaliya (Sawiro)

Monday 3 December 20120 comments



Gobalka Bari oo kamid ah gobalada maamulka Puntiland ayaa waxa uu yahay gobal xebta saaran waxaana lashegay in roobab xoogan oo dabeyla wata ay kade'een gaar ahaan degmada Bandar Beyla.

Roobabkaasi ayaa waxaa lashegay in ay biya dhigeen gudaha degmada Bandar Beyla, halkasi oo ay kadhalatay cabsi aad u xooggan, iyada oo dadka qaar cabsi darteed ay ugu bara bexeen gooba taag ah oo ay uga bacbaadaan daadadka hadii ay kasii daraan.

Gudoomiyada degmada Bandarbeyla, Sicid Adan Cali, ayaa yiri, "Roobab xoogan ayaa kad'aday degmada, biyaha badda ayaa isbedelay, hirar xooggan wey yimaadeen, daadad badan ayaa kusoo rogmaday degmada, shacabkana waa kadaad gureynay goobaha ay suuragal tahay in daadadka ay unugulyihiin, waxaana geynay gooba ay uga nabad geli karaaan".

Cabsidaan ayaa waxa ay timid xilli lasoo saaray digniin aad u xooggan, kadib markii lashegay in ay suuragal taay in maanta ay xebaha Soomaaliya qeybo kamid ah ay kadhici karaan duufaano wax yeella geysan kara.










______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved