Yuusuf Xasan “Qaraxii Islii Soomaali lug kuma laha”

Sunday 18 November 20120 comments


Yuusuf Xasan
Xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Kaama-kunji Yuusuf Xasan oo galabta warbaahinta kula hadlay halkii uu qaraxa  ka dhacay ayaa  shacabka Soomaaliyeed ee dagan xaafada Islii ee magaalada Nairobi u sheegay in aysan dhibaato jirin, islamarkaana qaraxii maanta aysan ku lug laheyn dadka Soomaaliyeed ee degan xaafada.


Xildhibaanka ayaa dadka madowga ah ee u dhashay wadankaan ugu baaqay in aysan ku xadgubin hantidooda, oo aysan dhibaatooyin kalana u gaysan.
“ Waxaan u  sheegayaa dadka madowga ah in aysan dhibaato u gaysan shacabka iyo ganacsiga ay dadka Soomaalida ah ku leeyihiin xaafada Islii ee magaalada Nairob”ayuu yiri Yusuf Xasan.


Islii ayaa caawa xaalkeedu yahay mid alow sahal ah, waxaana gabi ahaanba xirmay isku socodka dadka iyo gaadiidka, cabsi laga qabo askarta Kenyan oo xiliyadan camal raaf xoogan sameeya.



Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved