Xulka Qaranka Soomaaliya Oo La Ciyaaraya Ciyaartoyda Wadanka Burundi

Saturday 24 November 20120 comments

Xulka Qaranka Soomaaliya

Muqdisho (Hablaha.com) Xulka xiiso badan oo ka tirsan ciyaaraha bariga iyo bartamaha Africa oo dhex mari doona Soomaaliya iyo Burundi ayaa waxaa lagu wadaa in uu ka dhaco magaalada kampala.

 Ciyaartaan ayaa ah mid xiiso badan waxaana la wada sugayaa natiiyada ka soo bixi doonta, waa kulankii ugu horeeyay oo ay Soomaaliya la ciyaarayso wadanka Burindi koobkaan oo sanadkaan ka furmay magaalada kampala.
Ciyaartoyda Soomaaliya oo wax badan la diyaarinayay ayaa waxay isku diyaarinayaan kulankaan oo ah mid adag waxaana ay rajo ka qabaan in ay guul wanaagsan ay ka soo hooyaan.

Soomaaliya ayaa sidoo kale waxay la ciyaari doontaa wadamo kale oo dhowr ah oo ay isku Guruubyihiin laakiin malinta kooxda Soomaalida ayaa warbaahinta u sheegay in sanadkaan ciyaartoydu ay yihiin kuwo isku kalsoon.
Macalin Geelle Macalinka kooxda Soomaaliya ayaa sheegay in sanadkaan ay jiraan ciyaartoy badan oo ka yimid wadanka dibadiisa kuweaasi oo ka qaybgalaya ciyaarahaan oo matalaya Soomaaliya

Soomaaliya Horay loogama baran in ay natiijooyin fiican ay ka keento ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha AFrika iyo waliba ciyaaraha kale ee loo aado wadanka dibadiisa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved