Munaasabad Tacsi Ahayd Oo Markii Danbi Isku Bedeshay Farxad Iyo Reeyn Reeyn Dhacdo Yaableh Oo Kan Dhacday Tuulo Kutaal Dalka MAsar

Saturday 24 November 20120 comments



Qisadaan ayaa waxa ay ka dhacday tuulo ku taala Gobal dhaca  Bariga dalka Masar.


Qoys ku nool bariga dalkaasi masar ayaa la soo wariyay in qoyskaasi si lama filaan ah loogu soo sheegay geerida gabadhooda oo 35 jir ah oo ay waayeen in kabdan sedex maalmood ,waxaan aloo sheegay in poliska dalkaasi ay gacanta ku soo dhigeen sedex rag ah oo lagu soo eedeeyay in ay afduubteen gabadhooda ka adibna ay dileen oo ay meedkeeda ku tuureen wabiga masar dhex mara.

Gabdha ayaa a sheegay in dhimirka ay la’eeyd xanuuno nafsani ahna ay hayeen ,raggan ayaa lasheegay in ay kufsadeen gabadha kadibna ay dileen
Qoyska ay ka dhalatay gabadha ayaa abaabulay munaasbad loogu tacsiyeeynayo gabadhooda dad aad u farabadanna ay soo booqday guriga haweeneeyda ay ka baxday.


Dadka ayaa uga tacsiyeeynayay reerka ay ka dhalatay  gabadha geerideeda a soo sheegay, hayeeshee waxaa layaab ku noqotay dadkii tacsidaasi ka qeeyb galayay ka dib markii uu soo galayay nin polis ah oo gacanta kahayo gabdhii geerideeda la soo sheegay isla markaana loo fadhiyay tacsideeda.

Dadka ka qeeyb qaadanayay tacsida ayaa yaab iyo ama kaag waxa ku noqday in gabadhii aay tacsideeda ka qeeyb galayeen iyada oo nool albaaba uga soo gasho.

Munaasabadda tacsida ahayd ayaa waxa ay isu badashay munaasabad  farxad iyo reeyn reeyn oo dadkii ay markale isugu hambalyeeyeey  dadka qaar ayaa ilmeeyay iyaga oo rumeeysan waayay waxa goobtaasi ka dhacay waa hagaag waa mid ka mid ah dhacdooyinla caalamka waana wax iska dhaca.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved