Wiil Yar Oo Sameeyay Qori iyo Madaxweeyne Dalka Maraykanka Obama Oo Dadka & Joornaaliistayaasha ka Qosliyay +(VEDIO)

Saturday 24 November 20120 comments


Madaxweeynaha dalka Mareeykanka Mr.Barack Obama ayaa waxaa la xaqiijiyay in uu yahay shaqsigii ugu horeeyay ee dadka ka qosliya soona mara jagada Madaxtinimada dalka Mareeykanka. 

Madaxweeyne Obama oo Shacabka iska dhex gala mararka qaar hadaladiisa waxaa ku qosla Joornaaliistayaasha daba yaacaya ee doonaya in ay soo gutaan shaqadooda saxaafadeed.

Madaxweeyne Obama ayaa inta badan booqda goobaha Shacabka sida Iskuulada, Warshadaha ,Dadka Waayeelka ah iyo goobaha ay ka dhacaan dhibaatooyinka Duufaanta iyo Dhul gariirka iwm .

Kaartada nuucaan ah ayaa xoojisay awooda Siyaasada Madaxweeyne Obama ee gudaha dalka Mareeykanka waxaana la waayay shaqsi codad ku gaara.

Madaxweeyne Obama oo tagay goob Iskuul ah oo Caruurta wax lagu baro ayaa mar quraa waxa uu ka qosliyay Dadkii & Joornaaliistayaashii goobtaas joogay kaas oo Wiil yar ula kaftay sidii Qof qaan gaar ah.

Wiilkaan ayaa Madaxweeyne Obama tusay Qori uu sheegay in uu gacantiisa ku farsameeyay Balse Madaxweeyne Obama ayaa Dadkii & Joornaaliistayaashii ku yiri sidatan :

” Kaftan igama ahan ka soo leexda Qoriga dhuuntiisa, maxaa yeelay ma dooneeyno in uu dhaawac na soo gaaro ” Intaas ka Dib Madaxweeyne Obama ayaa Qorigii wax ka cabeeyay wuxuuna aad u jilay ama iska dhigay qof ka cabsanaya Liifka iyo Dhawaaqa Qoriga caruurta (air cannon).

DAAWASHO WACAN



Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved