Dumar & Rag Isku Dhex Qaawiyay Maxkamada Gudeheeda Kadib Markii Ay Ku Qanci Waayeen Sharci Cusub+(VEDIO)

Saturday 24 November 20120 comments

Maxkamad ku taala magaalada San Francisco ee dalka Mareeykanka ayaa waxaa ka dhacday qiso cajiib ah ka dib markii Maxkamada dhexdeeda ay dharka iska dhigeen Rag iyo Dumar ka xumaaday go´aan & Sharci cusub oo ay gaartay Maxkamadaas.

Halkaan Hoose Ka Daawo 


Maxkamada ugu sareeysa magaalada San Francisco ee dalka Mareeykanka ayaa go´aamisay in aanan Nuudo ama la isku hor qaawin karin goobaha dadku ay ku badan yihiin iyo Wadooyinka sida aadka ah loo is ticmaalo cidii amarkaas jabisana waxaa la ganaaxi doonaa waqti kasta 100 Dollar.

Sharcigaan cusub waxaa si weeyn uga xumaaday Dadka Filimaanta dhiga iyo kuwa xayeeysiiya dharka nuucyadiisa kala duwan waxeeyna dadkaan Dacwadooda gaarsiiyeen Maxkamada sare ee magaalada San Francisco balse Maxkamadii Qudheeda ayaa Duqa magaalada San Francisco ku raacday Sharcigaan cusub.

Kooxo Maxkamada Dacwadeeda si Live ah u dhageesanayay ayaa durbadiiba ka xanaaqay go´aanka Maxkamada sare ee magaalada San Francisco waxeeyna mar qura isku dhex qaawiyeen Maxkamada dhexdeeda wuxuuna kiiskii gaaray in Maxkamada dhexdeeda ay soo galaan Ciidamada Booliiska magaalada San Francisco oo dadkii is qaawiyay xir xiray .




Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved