Nin Miirka Looga Jiro Oo Qalqal Galiyay Isu Socodka Magaalada London

Saturday 24 November 20120 comments


Nin Da´diisa lagu qiyaasay afartan ilaa dhawr iyo sodon jir inta u dhaxaysa, ayaa inta uu mudh iyo gacan iska dhigay (Isqaawiyay) , dhakada sare uga baxay mid ka mid ah taalooyinka taariikhiga ah ee caasimadda dalka Britain London ku yaala, waxaanu ficilka ninkaasi ku kacay sababay in booliska iyo ciidamada nabad galyada bulshadu xaalad deg deg ah ku soo rogaan goobihii ka ag dhawaa taaladaaas oo xafiisyo dawladeed oo muhiim ahi ku jiraan.

Dhacdadan oo maanta jimcihii ka dhacday magaalada London ayaa Ninkan qaawan uu ku fuulay oo dhakada sare uga baxay, taalada Amiir George, oo ahaa taliyihii ciidamadii Ingiriiska ee qarniyadii dhexe, kaas oo ahaa abaan duule geesi ah, taaladan lagu maamuusayna looga dhisay dibada dhismayaal xukuumada Ingiriisku leedahay oo wasaarada arrimaha dibaduna ka mid tahay.

Ninkan ayaa u badheedhay inuu dharka dhigto wakhti jawigu aad u qaboobaa heerka cimiladuna marayay 6 degrees Celsius, oo uu deg deg dharka uga dhex baxay.

Ka dibna waxa uu deg deg ugu booday taaladaas faraska iyo abaan duulahaas lagu xusuusto oo uu ilaa figta ugu saraysa uga baxay, ka dibna uu ku talaabsaday ficilo argagax galiyay dadkii goobta ka agdhawaa sida in uu madaxa taaladaas ka dul bootaalaystay.

Waxa markiiba goobta soo gaadhay laba gaadhi oo kuwa dab damiska ah iyo hawl wadeenadoodi, waxa kale oo yimi afar gaawaadhida booliska ah iyo afar kooxaha buuraha fanta ee booliska ka socday, isla markiibana waxa ay boolisku xidheen masaafo boqol mitir gaadhaysa oo goobta taaladaasi ku ag taalo ka ag dhawaa, taas oo isu socodka degaankaas khal khal galisay.

Shaqaalihii dawlada ee iyaguna ka hawl galayay dhismayaashaas ayaa laga codsaday in waddooyin kale ay u maraan xafiisyadoodi, waxaana halkaas ka bilaabmay wada hadalo lala galay ninkaas si loogu qanciyo in uu si nabad galyo ah uga soo dego taaladaas uu dhakada uga baxay oo haddii uu iska soo tuuro naftiisu halis gali kari lahayd.

Sadex saacadood oo wada hadal lagula jiray ka dib waxa uu ninkaasi ugu danbayntii ogolaaday inuu ka soo dego, ka hor intaanu soo degin se waxa uu gooyay qayb yar oo ka mid ah madaxa sare ee hogaamiyahaa taalada lagu xasuusto ka mid ah, waxaana markii uu ka soo degay si deg deg ah u taxaabay ciidamada ammaanka ee dalka Britain oo adeegsanaya sharciga bukaanka dhimirka ee dalkaas, waxaana la filayaa in la geeyo cusbitaal dhimirka qaabilsan si baadhitaan loogu sameeyo caafimaadkiisa maskaxeed.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved