Wiilal Jamaikaan Ah Oo Shirqool U Dhigay Gabdho Soomaaliyeed In Muda Ahna Xirnaa.+(Daawasho Vedio)

Thursday 22 November 20120 comments


Hablaha.com-Laba Gabdhood oo Soomaaliyeed ayaa muddo laba bilood ah ku xiran Xabsi ku yaalla Magaalada Kingston ee caasimadda dalka Jamica, markii ay shirqool weyn u dhigeen wiilal ay saxiibo ahaayeen oo reer Jameeka ah.

Hooda iyo Imaan oo ah laba Gabdhood oo saxiibo ah, kuna dhashay dalka Canada, hase yeshee aan weligood diyaarad u raacin meel kale ayay wiilal Jamaican ah oo ay saxiibo noqdeen kula taliyeen inay u dalxiis tagaan dalka Jamaica.

Wiilasha Jameekaanka ah oo ka dheregsanaa inaysan gabdhuhu dhaqaale ay ku dalxiis tagaan haysan ayaa siiyay tikidhadii ay diyaardaha ku raaci lahaayeen, iyadoo loo sheegay in Saxiibo kale lagala ballamay isbuuca ay dalxiiska ku joogayaan halkaas, isla markaasna ay u diyaarsan yihiin wax kasta oo ay u baahan yihiin.

Gabdhaha oo kaligood ka baxay Canada isla markaasna ka dhuuntay waalidkood ayaa markii ay soo dhameysteen Maalmo jooggii Jamaica waxay isu diyaariyeen inay ku noqdaan Canada, hase yeeshee dhowr habeen ka hor soo bixitaankooda ayaa wiil lagala ballamay oo gacanta ku hayay arrintooda uu dejiyay guri famil, sababo qiyaano huwan oo gabdhaha loogu macneeyay dhaqaale xumo.

Maalintii ay soo bixi lahaayeen ayaa wiilkii ay la joogeen u soo dhiibay Boorso ay ku jiraan Laba Kalluun oo lagu dhex qariyay Daroogo, gabdhahana loogu fasiray inay tahay haddiyad ay u gaynayaan wiilashii tikidhada kasoo dhiibay oo saxiibada ay ahayeen, taas oo habluhu aysan si qaldan u fahmin madaama ay aaminsanaayeen wiilasha.

Magareeshinka Kingston ayaa furay boorsadii Gabdhaha loo soo dhiibay ee ay ku jireen labada Kalluun taas oo laga helay 20 Kiilo oo Mirjuwaana ah, laakiin markii ay gabdhuhu sharraxeen sida ay alaabtaan gacantooda kusoo gashay, Booliiska dalkaas dheg jalaq uma siin, waxaana loo dhaadhiciyay xabsiga.

Booliiska Canada iyo Familka gabdhaha oo laba bilood ka dib ogaaday inay ku xiran yihiin Jamaica ayaa si damaanad ah oo aysan ka bixi karin gabdhuhu hal xaafad oo loo calaamadeeyay ku damiintay inay ku joogan banaanka, waxaana sida caadiga ah uu yahay xeerka u yaalla Dalka Jamaica in qofkii daroogo lagu qabto uu xirnaado sanado badan.

Gabdhaha aya laga soo duubay waraysi gaaban oo sharaxaya sidii ay wax u dhaceen, waxaadna Video-gaas ka daawa kartaa Halkaan Hablaha.com ama Hoos fiiri warkaan dhamaadkiisa.

Halkaan Daawo   Vedio-ga



Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved