Morsi ayaa ku adkeystay go'aankiisa

Friday 23 November 20120 comments

Madaxweynaha Masar, Maxamed Morsi

Madaxweynaha Masar, Maxamed Morsi, ayaa ku adkeystay in awoodda cusub ee uu isa siiyay inay tahay mid ku meel gaar ah.

Haweeney Afhayeen ah oo u hadashay Xisbiga Xorriyadda iyo Caddaaladda ayaa HMN u sheegtay in Madaxweyne Morsi ujeedadiisu ay tahay inuu difaaco kacdoonka Masar, ee lagu riday Madaxweynihii isaga ka horreeyay Xusni Mubarak.

Madaxweynaha dalka Masar, Maxamed Morsi ayaa shalay soo saaray sharci cusub oo awooddiisa sii ballaarinaya.
Hadal telefishinka laga sii daayay shalay ayaa Afhayeenka Madaxweynaha, Yaasir Cali waxa uu ku sheegay in go'aannada Madaxweynaha aan racfaan laga qaadan karin isla markaana hey'ad wax ka beddeli kartaa aanay jirin.
Waxaa ku jira xitaa hey'adahaasi garsoorka. Waxaana loo sameeyay si loo difaaco kacdoonkii Masar.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dhamaan kuwii lagu waayay dambiyada iyo dilka dadkii mudaharaadayay intii lagu guda jiray kacdoonka, in dib mar kale maxkamnmad loo saari doono.

Shir jaraa'id oo ay si wadajir ah u qabteen Maxamed El-Baradai iyo xubno kale oo mucaaradka ah ayaa waxay ku tilmaameen go'aan Madaxweynaha inuu yahay afganbi looga soo horjeedo sharciyadda, waxaana ay ugu baaqeen dadka reer Masar inay jidadka isugu soo baxaan oo ay ka mudaharaadaan.

Madaxweynaha Masar ayaa dareemaya xoogaa awood ah inuu helay marka la eego doorkiisa dhexdhexaadinta dagaalka Qasa, laakiin sida uu ku warramayo weriyaha Hablaha.comC ee Qaahira waxa suurtagal ah in tani ay keento loolan cusub oo xagga siyaasadda ee Masar gudaheeda.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved