Wasiirada Arimaha Dibada ee DF Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo Loo Hanjabay, Tolow Maxay Galabsatay Yaase u Hanjabay?

Tuesday 6 November 20120 comments



Muqdisho (Hablaha.com)-Maamulka Soomaaliland ayaa shaaca ka qaaday in maxkamad la soo taagi doono Fowsiyo Yuusuf Xaaji Adan oo loo magacaabay wasiirka arimaha dibada dowlada Soomaaliya.
Maxamed C/laahi Cumar wasiirka arimaha dibada ee maamulka Soomaaliland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulka Hargeysa uu maxkamad  soo taagi doono wasiirada arimaha dibadda dawlada Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan hadii ay timaado deegaanada maamulka Soomaaliland.
“Sharci ayaa ka yaala qofkii aadaa Soomaaliya oo u shaq doonaa dowlada Soomaaliya kaasi oo ah in maxkamada la sooro ka dibna go’aan laga gaaro oo la xakumo.’ayuu yiri wasiirka Arimaha dibada ee Soomaaliland.
Maxamed C/laahi ayaa sidoo kale wuxuu intaasi uu ku sii daray hadalkiisa in haatan dhamaanba maxkamadaha maamulka Soomaaliland ay dacwado ka taalo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Adan.
Sidoo kale wasiirka ayaa wuxuu sheegay madaxbanaanida Soomaaliland in ay tahay mid muqadas ah oo aysan waxba iska badali Karin, wuxuuna sidoo kale uu sheegay in ay sii socon doonaan wadahadaladii u dhaxeeyay Soomaaliland iyo Dowlada Soomaaliya.
“Shacabka iyo dawlada Soomaaliland go’aan bay ku gaareen madax bannaanidooda mana ahan wax laga noqonayo” ayuu sii raaciyey.
Wasiirku wuxuu kaloo sheegay in xil magacaabista Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo loo magacaabay wasiirka arimaha dibadda iyo raysul wasare ku xigeenka Soomaaliya aaney ka tarjumeyn metelaada Soomaaliland balse ay tahay qof iskeed xil ugu raadsatay dawlada Soomaaliya, sida uu yiri.
Raysal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa wasiirka arimaha dibadda iyo raysul wasaare ku xigeen u magacaabay Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo horey u ahayd gudoomiyihii xisbigii NDB ee laga reebay doorshada golaha deegaanka ee deegaanada maamulka Soomaaliland.  Fowsiyo waxay kaloo sanadkii 2003 u tartantay jagada madaxweynaha maamulka Soomaaliland.
Fowsiyo ayaa noqoneysa haweeneydii ugu horeysay ee xilka wasaarada arimaha dibadda ka qabata Soomaaliya.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved