Kooxda Milan Oo Ka Horjoogsaneysa Man City Xiddigeeda El Shaarawy Iyagoo Heshiis Cusub U Soo Bandhigay.

Tuesday 6 November 20120 comments

Milan ayaa dooneysa inay ceshato xiddigeeda da’da yar Stephan El Shaarawy iyagoo u soo bandhigaya qandaraas cusub.
20 jirkaan ayaa haatan hogaaminaya gooldhalinta Serie A isagoo dhaliyay sideed gool 11 kulan oo uu u saftay kooxda dhibtooneysa ee Diavolo.
Wargeyska Gazzetta dello Sport ayaa maanta soo jeedinaya in ciyaaryahankii ee Padova iyo Genao in loo soo bandhigi doonto heshiis cusub oo ku sii heynaya San Siro ilaa 2018.
Qeyb heshiiskaas ka mid ah ayaa sidoo kale ka dhigeysa in El Shaarawy loo kordhiyo qandaraaska isagoo haatan qaata 800 kun euro sannadkii, waxaana uu qaadan doonaa 1.2 milyan euro sannadkii.
El Shaarawy, ayaa waxaa isha la raaceysa kooxda lacagta badan ee Manchester City, iyadoo sidoo kale ay xiiseynayaan Man United iyo Real Madrid.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved