Mesut Ozil: Abaalmarinta Fifa Ballon d’Or Waxaan Siin Lahaa Cristiano Ronaldo Iyo Iker Casillas.

Tuesday 6 November 20120 comments



Xiddiga Real Madrid Mesut Ozil ayaa sheegay inuu abaalmarinta Ballon d’Or siin lahaa labada ciyaaryahan ee ay wada ciyaaraan Cristiano Ronaldo iyo Iker Casillas.

Xiddiga reer Portugal ayaa shalayto sheegay inuu isku codeyn lahaa hadii ay suurtogal tahay, ka hor inta uu goolhayaha Spain sheegin inuusan sidaasi sameyn laheyn madaama uu dhowrayo sharafta xirfadiisa.
Si kastaba, Ozil ayaa aaminsan in labada ciyaaryahan ay u qalmaan inay ku guuleystaan abaalmarinta.
“Waxaan doonayaa in ciyaaryahan Real Madrid ah uu ku guuleysto, sidaasi darteed waxaan abaalmarinta siin lahaa labadoodaba” ayuu 24 jirkaan u sheegay suxufiyiinta.
“Cristiano waa ciyaaryahan heer caalami, waxaana uu taas soo bandhigay waqtigii uu inta joogay. Iker waa mid ka mid ah goolhayayaasha ugu fiican adduunka. Labadoodaba codkeyga waa ay heystaan madaama aan isku fiicanahay labadoodaba.”
Kubadsameeyaha Jarmalka ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymihii loo soo jeediyay ee la xiriiray qaab ciyaareedkiisa ee uu kala kulmay saxaafada Spain, waxaana uu sheegay inuu u bartay oo uu la qabsaday waxa ay ka hadlaan.
“Spain waxaa caada ka ah in marka aad si fiican u ciyaarto in lagaa dhigo ciyaaryahanka adduunka ugu fiican, marka aad si xun u ciyaaratana xaalada waa xaalad halis ah.
“Waan u bartay taas laakiin waxa igu muhimsan ayaa ah waxa uu tababaraha yiraahdo. Waxaan kaliya doonayaa inaan kooxda u caawiyo sida ugu fiican ugana macquulsan

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved