Nin Raysul Wasaaraha Ingiriiska Ku Qeyliyey oo Lagu Xukumay 100-Saacadood oo Shaqo Adeegga Bulshada ah (Warbixin)

Tuesday 6 November 20120 comments

David Cameron.
 London,(Hablaha.com)-Maxkamad ku taalla magaalada Glasgow ayaa 100 saacadood oo shaqo adeega dadweynaha ah ku xukuntay nin dhalinyaro ah oo u dhashay Ingiriiska kaasoo bishii July ku qeyliyey raysul wasaaraha Ingiriiska David Cameron.

Ninkan oo lagu magacaabo Stuart Rodger, ahna 23 jir arday ah oo wax ka barta Jaamacadda Glasgow ayaa lagu eedeeyay inuu qeylo iyo cabsi gelin uu ku sameeyay raysul wasaare David Cameron xilli uu hadal ka jeedinayey kulan ay lahaayeen taageerayaal labada xisbi ee Conservative-ka iyo Liberal-ka dhexe oo isku biiray bishii July ee sanadkan.

Garsooraha maxkamada soo eedeysay Stuart Rodger ayaa sheegay in Stuart Rodger uu isku qariyey suuli (musqul) ka hor intii uusan gudaha u gelin hoolkii uu ka khudbeynayey raysul wasaare David Cameron kadibna uu ka gudbay ilaalada gaarka ah ee raysul wasaaraha la socotay.

Mar qura ayaa laga warheley ninkan oo ku sii dhowaanaya raysul wasaaraha halkii uu joogay isla markaana ku qeylinaya “ma dooneyno in la jaro kharashka lagu bixiyo adeega guud ee dadweynaha. maya, ma dooneyno”.

Hadalkaasi ayaa la sheegay in raysul wasaare David Cameron iyo dadkii kale ee khudbada dhageysanayey ay ka argagexeen kadib markii ay arkeen nin dhex taagan hoolkii ay ku jireen oo qeylinaya.  Wararka qaar ayaa sheegaya in ninkan lagu magacaabo Stuart Rodger uu ka mid ahaa dadka taageersan xisbiga liberl-ka dhexe uuna aad uga soo horjeeday in xisbigaasi uu ku biiro xisbiga conservative-ka ee raysul wasaare David Cameron.

Eedaha lagu oogay Stuart

Stuart Rodger, waxay maxkamada ku heshay inuu carqalad ku sameeyay ciidamada amaanka, qeylo iyo buuq uu ku furay raysul wasaaraha, iyo inuu isku dayey inuu ku dhowaado raysul wasaaraha isagoo ku abuuray cabsigelin iyo qeylo.  Dhamaan eedahaasina waxay maxkamadu goysay in lagu xukumo 100 saacadood oo shaqo adeega guud ee dadweynaha ah taasoo u dhiganta afar maalmood iyo afar saacadood.

Nick Clegg, raysul wasaare ku xigeenka UK oo rinji lagu qubay.
Dacwad oogaha maxkamada John Slowey ayaa sheegay in maxkamadu markii hore ay go’aamisay in 150 saacadood oo shaqo ah lagu xukumo Stuart Rodger hase yeeshee laga soo yareeyay oo laga dhigay 100 saacadood oo shaqo maadaama uu dembiga qirtay.

Kiis hore
Stuart Rodger oo si weyn ay u hadalheysay beryahan saxaafadda UK ayaa waxaa la sheegay in sanadkan horraantiisi maxkamada magaalada Glasgow ay ku xukuntay ganaax lacageed oo gaaraya £200 (oo u dhiganta $400) kadib markii uu rinji ku shubay raysul wasaare ku xigeenka dalka Ingiriiska Mr Clegg xilli uu isaguna ka qeybgalayey barnaamij su’aalo lagu weydiinayey oo ay lahaayeen taageerayaasha xisbigiisa.

Qareenka u dooday Stuart Rodger ayaa sheegay in Rodger uu xaq u lahaa inuu muujiyo dareenkiisa uuna cadeeyo sida uu uga hor imaadsan yahay isku biirida lacada xisbi hase yeeshee aanu xaq u lahayn inuu gacan ka hadal iyo xadgudub sameeyo.

“Wadankaan waxaa uu dadka siinayaa qofka xoriyad uu ku cabiri karo fikirkiisa laakiin ma jirto wax kuu ogolaanaya inaad xadka dhaafto” ayuu yir.


Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved