War Deg Deg ah: Dagaal Hada Ka Socdo Maqaalada Garbahaareey Oo U Dexeeya ALshabaalb Iyo Dowlada Kana Qeyqaadanayaa Diyaarado Dagaal.

Thursday 29 November 20120 comments


Wararka naga soo gaarayo Degmada Garbahaarey ee Caasimada Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Duleedka Degmadaasi uu hada kasoconayo Dagaal aad u culus oo u dhaxeeya Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa sidoo kale lasoo sheegayaa in ay ka qeyb qaadanayaan Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya oo dhanka hawada ka duqeenaya Dagaalyahanada Al-Shabaab ee dagaalka kala soo horjeeda Ciidamada Dowlada Soomaaliya.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamo katirsan Dowlada oo kusugnaa garbahaarey u ruqaansadeen dhinaca Degmada Buur Dhuubo balse ay iska hor imaad kala kulmeen Al-Shabaab sidaaan uu ku qarxay Dagaalka wali soconaya.

Aadan Xirsi Ruufle oo kamid ah Saraakiisha Ciidanka Dowlada ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in Dagaalka uu wali soconayo ayna ka qeyb qaadanayaan Diyaaradaha Dagaalka Kenya qasaarooyin xoogana ay gaarsiiyeen dhanka Al-Shabaab.

Lama oga ilaa wali Qasaaraha ka dhashay dagaalka Culus ee u dhaxeeya Ciidamada Dowlada iyo kuwa Al-Shabaab ee kusugan Gobolka Gedo , dagaalka ayaana ah wali mid soconaya oo aad looga maqlayo Degmada Garbahaarey daryanka Madaafiicda la is dhaafsanayo.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved