Ronaldo, Messi Iyo Andres Iniesta Oo Isagu Soo Haray Tartanka Abaalmarinta FIFA Ballon d’Or.

Thursday 29 November 20120 comments


Cristiano Ronaldo, Lionel Messi iyo Andres Iniesta ayaa isagu soo haray tartanka abaalmarinta laacibka sannadka adduunka ee FIFA Ballon d’O.

Seddex ciyaaryahan ee ka xamaasha La Liga ayaa lagu xaqiiijiyay inay isagu soo hareen tartanka abaalmarinta Ballon d’Or shir jaraa’id oo FIFA ay ku qabatay Sao Paulo maanta.
Lionel Messi ayaa abaalmarintan ku guuleysatay seddexdii sanno ee ugu danbeysay waxaana uu indhaha ku hayaa markii afaraad oo isku xigta inuu ku guuleysto taasoo noqon doonta rikoor cusub.
Xiddiga Real Madrid Cristiano Ronaldo iyo kubadsameeyaha Barcelona Andres Iniesta ayaa Messi kula tartami doona abaalmarinta. Ronaldo ayaa kooxdiisa Real Madrid ka caawiyay xilli ciyaareedkii hore horyaalka La Liga halka xulka wadankiisa Portugal uu sannadkan ku hogaamiyay semi-finalka koobka Euro.
Iniesta oo markii labaad taariikhdiisa ciyaareed soo galaya seddexda ciyaaryahan ee finalka u joogta abaalmarintan ayaa isna xulkiisa Spain la qaaday koobka Euro 2012 sannadkan, halka sidoo kale kooxdiisa Barcelona ay xilli ciyaareedkii hore ku guuleysatay Copa del Rey.
Ciyaaryahanka ku guuleystay abaalmarintan ayaa waxaa lagu dhawaaqi doontaa 7da bisha Janaayo ee sannadka cusub.
Dhinaca kale tababaraha xulka Spain Vincente del Bosque, tababaraha Real Madrid Jose Mourinho iyo Pep Guardiola oo sannadkii hore la joogay Barca ayaa isagu soo haray tartanka tababaraha sannadka ee abaalmarinta Ballon d’Or.
Dhinaca kale abaalmarinta goolka sannadka ugu fiican ee FIFA Puskas Award ayaa waxaa isagu soo haray goolkii Radamel Falcao ka dhaliyay America de Cali, iyo goolashii ay dhaliyeen Neymar iyo Miroslav Stoch.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved