Wiil Dilay Aabihiis Oo Xabsi Ladhigay Yaabkaan Bal Aqriso

Wednesday 28 November 20120 comments


WASHINGTON (HMN) – Wiil dhalinyaro ah oo ku nool magaalada Washington ee caasimada Mareykanka ayaa lagu xukumay 31 sano xarig ah kadib markii uu dilay aabihiis.

Devon R. Moore, oo18 jir, ayaa qirtay bishii October in uu si kas ah u dilay aabihiis xilli uu hordaayay.

Wiilka ayaa rasaas la dhacay aabihiis uu jiifa waxaana sababta dilka lagu micneeyay in wiilka iyo aabihiis ay ku murmeen darajada hooseesa ee waxbarasha wiilka.

Mr. Moore ayaa markaasi kadib kansalay sharcigii wiilkiisa uu ku awoodi lahaa wadista gaarigiisa.
Wiilka oo aad uga carooday talaabadaasi lagu kansalay shacigiisa wadista gaadiidka ayaa sugay inta uu aabihii ka hurdaayo, markaasi kadibna waxa uu ku dilay bistoolad guri taalay.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved