Tababaraha Kooxda Chelsea Roberto Di Matteo Oo Aan Ka Walwalsaneyn In Shaqadiisa Chelsea Lala Xiriiriyo Pep Guardiola.

Wednesday 7 November 20120 comments



Tababaraha kooxda Chelsea Roberto Di Matteo ayaa shaaca ka qaaday inuusan wax cadaadis ah ku hoos jirin, inkastoo lala isla dhexmarayo in shaqadiisa lala xiriiriyay tababarihii ee Barcelona Pep Guardiola.
Di Matteo ayaa caawa kooxdiisa ku hogaamin doona Shakhtar Donestk oo ay la ciyaarayaan kulan ka tirsan Group E Champions League, laakiin tababaraha Talyaaniga ayaa carabka ku adkeeyay inuu heysto taageerada milkiilaha kooxda Roman Abramovich.

“Tan iyo maalintii ugu horeysay, wararka xanta ah waa lagu soo qorayay mar kasta jaraa’idyada, sidaasi darteed wax saameyn sidaas u buuran ugama yeelato.” ayuu yiri.

“Mustaqbalkeyga waxa uu ku jiraa gacmaheyga, kooxda iyo milkiilahana taageero ayaan ka heystaa.”

Di Matteo ayaa sidoo kale meesha ka saaray in guuleysashadoodii Champions League ee xilli ciyaareedkii hore inay dhaawacmi doonto hadii ay ku guuleystaan inay u soo baxaan wareega 16ka.

“Taas kama fekerayo haatan. Waxaan xaqiiqdii aaminsanahay in kooxdaan ay u qalanto wax walba ay ku guuleysan karto. Waana taas halka aan arintaas ka taaganahay.” ayuu hadalkiisa raaciyay.

“Waxaan halkaan u shaqeeyaa kooxda iyo ciyaartoyda. Waxaan qabaa inay muhim tahay in kooxda ay gaarto xilli ciyaareed guulo ah. Taas waxa ay la micno tahay inaan u baahanahay inaan badino kulanka berri [caawa].”

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved