Tababaraha Mancity Roberto Mancini Oo Carro Kala Duldhacay Garsoorihii Xalay Ka Dib Barbaro Ay La Galeen Ajax.

Wednesday 7 November 20120 comments



Tababaraha Manchester City Roberto Mancini ayaa farta ku fiiqay garsooraha ka dib markii ay barbaro la galeen Ajax xalayto kulankii Champions League.

City ayaa ka soo kabsatay labo gool oo looga hormaray islamarkaana barbar 2-2 ah la gashay kooxda reer Holland kulan ka tirsan group D ka hor inta aan la diidin gool uu dhaliyay Sergio Aguero oo lagu tilmaamay offside iyo rigoore dhamaadkii ciyaarta laga beeniyay Mario Balotelli.

Guul ay gaaraan ay nooleyn laheyd rajadooda Champions League, laakiin natiijadii ay ku gaareen Etihad Stadium ayaa ka dhigeysa in inta badan ay City ka quusatay u soo bixitaankeeda wareega 16ka sannadkii labaad ee isku xiga.

Mancini ayaa hortagay oo la murmay garsoore Peter Rasmussen ka dib marki ay ciyaarta dhamaatay, isagoo hadalo kulul kula hadlay, laakiin waxa uu sharaxaad ka bixiyay wixii uu ku yiri:

“Waxaan u sheegay inay gool aheyd [goolkii laga diiday Aguero]. Ma aanan arkin arintii u danbeysay ee rigooradii laga diiday Mario. Laakiin waxaan u sheegay inay gool aheyd.

“Garsooraha iyo caawiyayaashiisa waxa ay ahaayeen kuwa aad u liitay caawa.”

 
Shirkiisii jaraa’id ee ka danbeeyay ciyaarta ayaa sidoo kale Mancini la weydiiyay inuu kala cadeeyo arin dhexmartay isaga iyo filim qaade kaasoo daba socday intii uu ku dhex jiray Mancini garoonka.

Waxaa la soo jeedinayay in Mancini uu u hanjabay filim qaadaha uu ku jiri waan ku dhameynayaa hadaadan iga harin, laakiin ereyga uu isticmaalay ayuu ku sheegay inuusan sidaasi u la jeedin.

“Filim qaadaha waxa uu doonayay inuu filim iga duubo ciyarta ka dib. Waxa uu ii soo raacay garoonka dhexdiisa. Waxaan ku dhahay. ‘ waa dhamaatay, waa dhamaatay. Ha i duubin’ waxaan u sheegay filim qaadahaa inuu dhameeyo howshiisa oo uu baxo.”

Mancini ayaa laga yaabaa in dacwad ay ku soo oogto UEFA hadii garsooraha uu warbixin ka gudbiyo tababaraha Talyaaniga, taasoo sababi karta inuu ganaax lacageed iyo mid kulan ahba kala kulmo UEFA.

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa sidaan oo kale lagu ganaaxay Febraayo 2011 markii uu garsooraha hadalo kulul kula hadlay ka dib markii Barcelona

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved