Guddoomiye ku-xigeenka Kulmiye ee UK oo dhaleeceeyay madax dhaqameed taageeray Magacaabidii Fawsiya Xaaji Aadan.

Wednesday 7 November 20120 comments


London (Hablaha.com)-Guddoomiye ku-xigeenka xisbiga Kulmiye laantiisa dalka UK isla markaana ah xildhibaan gollaha degaanka ee Campbell Park & Fishermead Md Aadan Jaamac Kaahin ayaa dhaleeceeyay taageero ay qaar ka mida madax dhaqameedyada Somaliland u jeediyeen magacaabidii Fawsiya Xaaji Aadan loogu magacaabay wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Soomaaliya.

Mudanaha ayaa war saxaafada uu ugu talo galay oo uu na soo gaadhsiiyay waxa uu ku yiri;Waan idin salaamay dhamaantiinba. Inta kadib waxan aad ula socda intii lamagacaabay dawlada somaliya, in aa ku arkaayay halkan dad wax ku soo qorayay warbaahintan kuwaasoo si dhalanteed iyo indhala’an ah u sheegtay inay taageersanyihin Fawzia Haji Adan.

Bal marka hore aan idinsheege waa tuma gabadhaasi ay ku sheegeen aqoonyahannimo. Fawzia intaan ka oghay waxay haysatay shaahadada loo yaqaan Bachlor of Social Science kaasoo ku saabsan cilmiga bulshada, waxanay u dhaxday nin kazoo jeeda koonfurta Somaliya (Galkacayo), caruurna ay u leedahay. Waxay hore isagu dayday inay furto Television loo yaqaan Raad TV kaaso fashil ku dhamaaday . Shaqa ahaan Community ayay London ku haysatay.

Dhinaca siyaasada ayay u soo wareegtay, kadibna waxaynu la soconay inay bari dhawayd samaysatay urur la yidha (NDC) kaasoo ku soo bixi waayay tartankii ururadada. Qaar kamid ah ururadii dhacay way qaateen gartoodi oo sidaasay ku aqabaleen natiijada. Fawzia madax adeeg daraadii way diiday inay aqabasho natiijada iyadoo waliba loo haysto iyadoo ku soo dartay liiska magacya badan oo aan jirin.

Inta kadib, waxay qabanqaabisay mudaaharad aan sharci ahayn kaasoo ay dadka ku kicinayso, waa loo digay kadibna Poliska Somaliland baa qabtay waxana lagu xidhay saldhiga Hargeisa dhawr habeen. Kadib reernimo ayay ku gabatay, Kuwii khalada ku raacsana waxa ka mid ahaa niman odayaal sheegtay waa siday hadalka u dhigeene Kuligoodna waxay u ekeeyeen dad maadi loo adeegsaday.
Sharciga dalkan dadka wuu u simanyahay, qofna kama sareeyo beel beelna ma yaqaan. Waxa nasiib dara in dad dano gaara ah u socda iyo qaar kamid ah ururkii ku dhacay doorashooyinka beelo ay ku gabadaan magaca beelo ka mid ah reer Somaliland iyadoo aan cidna ka haysan kalsooni ay ka soo muuqdaan warbaahinta kuwaasoo taageeraya gabadha baxsad ka ah eek u dhacday tartankii doorashooyinka Somaliland. Nin ba waxa laga hayay ilaahayo haa iyo maya ha naga wada yeedhsiinin, Fawiza shalayna waxay lahayd waxan ahay Somaliland manta waxay ku hadlayso wad arkaysaan, ee talaw qofku miyanaw qawl loogu soo hagaago lahayn.

Waxa ka sii liita kuwa intay websitka ku soo qoreen hadalo aanu damiirkaagu ku siinayn inay taageero u fidiyaan gabadha iska carartay taageero.

Ugu danbayn, Waxan dadweynaha sharafta leh u sheegayna anaka ka soo jeedna Somaliland iyo meelaha kuwaa iska hadlay ee gafay ay sheegteen. Inaanay waxba ka jirin waxa ay ku hadleen nimanka magaca suldaan , beelaha sheegtay iyo qaarkoodna ay shalay soo qoreen inay yihiin beelaha reer oodweyne. Waxba kama jiraan oo anigaaba ah dadka ka soo jeeda Oodweyne sidana ma qabno. Dawladan waanu ku kalsoonahay. Arrinka foosha xun ay ku kaceen dadkaasina waanu ka raali gelinay shacabka reer Somaliland.

Dalkan dagaalba lagu soo xoreeyay oo cidina dana gaara qof u adeegaya waxba ka dhagaysan mayso. Waxan ugu danabyn leeyahay waar dadka magacooda iyo beelahoodaba ha ceebaynine orodoo qabta Xamar oo ku biira Fawzia noogana taga Somaliland. Waxad mooda inaanay Fawziyi garanayn kuwii iyada ka horeyay ee Mohmed Abdulahi OOmar wasiirkii kharijigii hore ee Somalia, Sifir iyo Ismail Buuba meeshay ku danbeyeen. Waxan ay wadaana waxba u dhimi maayaan wadahadaladii u dhaxaysay Somaliland iyo Somalia.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved