Shiinaha: Nin Xaaskiisa Ku Dacweeyay Inay Fool Xun Tahay Oo Maxkamadi U Xukuntay 120-kun Oo Dollar Inay Afadiisu Magdhow U Siiso (Qiso Layaaba)

Sunday 4 November 20120 comments

Shiinaha: Nin Xaaskiisa Ku Dacweeyay Inay Fool Xun Tahay Oo Maxkamadi U Xukuntay 120-kun Oo Dollar Inay Afadiisu Magdhow U Siiso (Qiso Layaaba)


Nin u dhashay dalka Shiinaha oo lagu magacaabo, (Jean Feng) ayaa xaaskiisa ku oogay dacwad ka dhan ah, taas oo la xidhiidha in ilme fool xun ay u dhashay xaaskiisa, dacwadaas oo bishii May ee aynu soo dhaafnay ka bilaabantay Maxkamadd ku taala dalka Shiinaha, waxa uu ku dalbaday oo kale in laga siiyo mag dhow lacageed xaaskiisa oo khiyaamaysay.

Jean ayaa ku doodayay in uu xaaskiisa u guursaday qurux uu ku raacay oo uu ku caashaqay, laakiin uu qaadan kari waayay gabadhii ay ku curteen ee ay u dhashay oo noqotay qof aad u fool xun sida uu ku andacoonayo, ka dibna ay taasi dhalisay ayuu yidhi xiisad naga dhex dhacda aniga iyo xaaskayga.

Ninkan ayaa sheegay in xaaskiisu qurux badan tahay, isna uu rejaynayay in ay dhali doonto gabadh ama ilme aad u qurux badan oo iyada u muuqaal eg dadkuna jeclaystaan, waxa uu yidhi, ?Xaaskayga waxaan u guursaday quruxdeeda oo aan ku caashaqay ka dibna ku calmaday, waxa aan filayay in ay dhali doonto ilme qurux badan, laakiin waxa ilmihii aanu ku curanay noqday mid fool xun oo aan u qaadan waayay.” Ayuu yidhi Jean.

Baadhitaan dhinaca dheecaanada asalka qofka lagu garto oo laga qaaday ilmaha yar ayaa lagu ogaaday, in gabadhaas u dhalatay qoyskani tahay mid iyagu dhaleen oo aan meel kale uga iman, laakiin khaladku ka dhacay, hooyada dhashay ee xaaska Jean in ay iyadu is qurxisay oo isku samaysay qaliino wajigeeda loogu qurxiyay oo ay dalka Kuuriya ka soo samaysatay ka hor intii aanay ninkan kulmin.

Haweenaydan ayaa la cadeeyay in ay isku samaysay qaliin dhinaca wajiga loogu qurxinayo kaas oo ku kacay todoba iyo todobaatan kun oo lacagta Yuurada ah, una dhiganta boqol kun oo dollar, xadigaa lacageed ee xad dhaafka ah oo u sameeyay qurux aanay asal u lahayn oo halaasi ah, ka dibna ay ku hoday ninkeeda, laakiin xaqu ka keenay ilme asalkeeda ah.

Ninkan ayaa markii uu xogtaa ogaaday, xaaskiisa ku oogay dacwad ka dhan ah, isaga oo ku eedeeyay in iyada lafteedu fool xun tahay, sida wakaalada wararka dunidu ku warameena waxa uu ku guulaystay dacwadaas oo waxa ay maxkamaddu u xukuntay in gabadha uu qabo ee xaaskiisa ahi siiso ninkaas mag dhow lacageed oo dhan boqol iyo labaatan kun oo Dollarka Maraykanka ah.

Garsooraha xukunkan riday ayaa haweenaydaas ku eedeeyay in ay khiyaamaysay ninkeeda oo adeegsatay, qurux dhoob dhoob ah oo aan dhabb ahayn, taas oo xaq uu ugu yeelanayo lacag mag dhow ah ee loo xukumay, sidoo kale ninkan loo xukumay mag dhowga ayaa sheegay in xaaskiisu khiyaamaysay oo ay dhashay ilme asalkeedi dhabbta ahaa cadaynaya.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved