Ingiriiska Oo Dhalashadii Kala Noqday Wiil Somali Ah Oo Diiday Inuu Basaaso Muslimiinta Qiso Xanuun Badan Sii Akhri+(DAAWASHO)

Saturday 3 November 20120 comments

Mahdi xaaji

London, (Hablaha.com):- Wiil Somali asalkiisu yahay, laakiin dhalashada dalka Britain haysta ayaa qoyskiisu ka war wersan yahay xaaladiisa, ka dib markii laanta sirdoonka Britain oo rabtay in ay ka dhigaan basaas uga soo warama kooxaha Islaamiyiinta ah ee Somalida uu diiday, ka dibna ay jir dil ku sameeyeen ka dibna dhibaateeyeen.


Sida warbixin laga diyaariyay wiilkaas yari muujinayso waxa qafaashay laanta Sirdoonka Maraykanka ee lagu magacaabo, M15, kuwaas oo ka codsaday inuu u noqdo basaas u soo gudbiya siraha Islaamiyiinta ah ee Somalida laakiin Markii uu diiday jir dil iyo garaacis u gaystay.




Wiilkan yar oo lagu magacaabo, dhalinyaro  ah Mahdi Xaaji waxa uu dalka Britain tagay isaga oo da’diisu tahay shan iyo labaatan jir, ilaa uu ka gaadhay gugiisi 23aad, xagaagan ayay ahayd markii la waayay wiilkan yar, ka dibna qoyskiisu helay in wasaarada arrimaha Gudaha Ingiriisku baasaboorkiisa ku sumaday, inuu ku lug leeyahay kooxaha Islaamiyiinta ah.


Waalidka dhalay Mahdi oo la yaabsan dhacdadan ayaa tilmaamay in wiilkoodu yahay dhibane, mu’aamaradaha sirdoonka Ingiriiska u dhibtooday, ka dib markii uu diiday inuu u shaqeeyo oo uu basaas u noqdo, waxa waalidka dhalay Mahdi ay ka warameen in wiilkoodu mutay jir dil loo gaystay ka dib markii uu ka biyo diiday inuu noqdo Basaas.

HALKAAN KA DAAWO


Waalidka dhalay Mahdi ayaa ku doodaya in sababaha wiilkooda loo ciqaabay oo dhami la xidhiidhaan diidmo uu kala hor yimi Laanta MI5.
[Waxaan odhan karaa, Mahdi waa mid aaminsan diinta Islaamka (waa qof muslim ah), kuna dhaqma muslim-nimada, laakiin ku dhaqankiisa diinta Islaamku ma aha macno ahaan inuu yahay, Islaami Xag jir ah.] Sidaa waxa yidhi Aabaha dhalay Mahdi Xaashi.

Mar kale sanadkii 2009-kii wakhti uu Mahdi Xaashi ka shaqaynayay xarun samafal oo ka jira waqooyiga London, (North London community center. Ayaa isaga iyo afar wiil oo kale oo ay saaxiibo yihiin, waxa la xidhiidhay kooxo ka tirsan, laanta sir-doonka Britain u qaabilsan ee MI5, kuwaas oo culays ku saaray in ay la shaqeeyaan oo basaasiin u noqdaan, cadaadis badan ka dibna waxa ay ugu hanjabeen in haddii ay diidaan ay ka dhigi doonaan ama ku sumadayn doonaan kooxaha xag jirka ah, “Islamic extremists”.

Mahdi wuu diiday, waxaanu u ashkatooday Xildhibaankiisa Frank Dobson Iyo Hay’ada baadhista oo ah laanta maamusha ama ay hoos tagto MI5. Waxa kale oo uu ka hadlay warbaahinta si uu naftiisa u difaaco.

Waxa kale oo arrintan olole ka galay kooxaha u dooda xuquuqda maxaabiista xidhan, kuwaas oo wacyi galintooda ku sheegay in cabudhinta iyo cadaadiska ay wadaan sirdoonka Ingiriisku ay sababtay in nolosha Mahdi ay badasho oo uu gabi ahaanba uga cararay ama uga baxay Britain.

[Waxay isku dayeen inay si buuxda u shaqaalaysiiyaan, waxay si cad ugu yidhaahdeen, “Ma tihid Xag jir, waanu og nahay in aanad ahayn, laakiin waddada kale ee ku furani waa kaliya in aad nala shaqayso oo aad na caawiso.’ Kuwaasi waa mid ka mid ah khiyaamooyinka ama taatikooyinka ay adeegsadaan] Sidaa waxa Russian Today u sheegay Asim Qureeshi oo ah baadhe ka tirsan ururka xuquuqda Maxaabiista oo ka cabanayay hab dhaqankan foosha xun ee ay sirdoonka Ingiriisku u adeegsanayaan dadka diida shaqadooda.

Waxa uu khabiirkani intaa ku daray, “Waa Run in uu Somali yahay, laakiin haddii sidaa arrintu tahay waa midab tarkoor, siyaasad cunsiraydaysan oo ay isticmaalayso hay’adii u qaabilsanayd ammaanka dalka Britain.]
Mahdi waxa uu labadii sanadood ee u danbeeyay ku noolaa caasimadda Somaliya ee Muqdisho, waxaanu la nool yahay Ayeydii oo noloshiisa kafaalo qaaday, kuna nool dhaqaale ay ka helaan dad ehelkooda ah, laakiin waxa qoyskiisu rumaysan yahay in xaaladaa mugdiga ah ee noloshiisa ay galiyeen cabsida MI5, oo sababtay inuu baxsado.

[Wiilkaygii waa la waayay, aniguna ma garan karo inuu nool yahay iyo inuu dhintay. Dhamaan qoyskayaga oo dhamina way murugaysan yihiin.] Sidaa waxa tidhi Kaltum Mohamud oo ah Mahdi hooyadii Muddadii Mahdi uu dibada kaga maqnaa Britain waxa wasiirka arrimaha gudaha ee Britain Theresa May Amar ku bixisay, in la laalo dhalashadiisi Britishka ahayd, “Mana Shaqaynayso”, taas oo ah awoodo aan la garan karayn oo ay u adeegsato sababo ammaan, cida ay doonaana ka qaadaan dhalashadooda iyaga oo aan maxkamadi amar ku bixin.
Go’aankan dawlada Britain ayaa loo fasiran karaa in Mahdi uu xuquuqdiisi muwaadin-nimo iyo ammaankiisu uu ku waayay in lagu sawiray inuu ka tirsan yahay kooxo xag jir islaamiyiin ah.

Aabaha dhalay Mahdi ayaa u sheegay shabakada RT, in markii ugu war danbaysay wiilkiisu ahayd mar uu nin kala soo xidhiidhay telefoon gudaha Somaliya kaas oo u sheegay in wiilkiisa ay ku wada xidhnaayeen, xabsi ku yaala Jabuuti, waxa uu ninkaasi u sheegay Mahdi aabihii in wiilkiisa laga qaaday dhiiga, baadhitaana lagu sameeyay, ka dibna markii Maraykanku ogaadeen inuu yahay qof British ah ay la xidhiidheen qunsuliyada Britain, ka dibna ay qunsiliyadu u sheegtay in dhalashadii ay kala noqdeen, ka dibna Maraykanku u qaadeen meel aan la garan karin oo aanay ilaa wali ogayn meesha la geeyay, sidaa waxa RT u sheegay Mohamed Hashi oo ah aabaha dhalay Mahdi.

Qoyska dhalay Mahdi ayaa aad uga war wersan xaalada wiilkooda iyo xadhigiisa la sheegay inuu ku xidhan yahay xabsiga Camp Lemmonier ee Djibouti kaas oo ah, mid sumcad xumo badan lagu yaqaano, waxa xabsigaas ka jira jir dil, waxaanay dadka ku xidhani mutaan dhibaatooyin badan oo ay ka mid tahay in aan loo ogolayn xuquuqo badan oo qofku leeyahay.

Sidoo kale waxa uu xabsigaasi ka mid yahay barnaamijyada Maraykanku u isticmaalo la dagaalanka argagixisada, waxaana suura gal ah in loo qaadi karo dal sadexaad sida ku dhacda maxaabiis badan.

Qoyska Reer Xaashi waxay doonayaan inay jawaab ka helaan su’aalaha fudud ee la xidhiidha eedaymaha wiilkooda Mahdi ka dhanka ah, ama haddii uu xataa nool yahay, laakiin marka ay arrintu taagan tahay sirdoonka waxa ay waajahayaan gidaar sabad ah oo adag, caqabadaha haysta qoyska reer Xaashi ee wasaarada arrimaha guduhu saartay ayaa u muuqda kuwo aan rejo soo muuqata lahayn.

Gaba gabadii Asim Qureshi oo ah nin u ololeeya xuquuqda dadka maxaabiista ah ayaa war wer ka muujiyay siyaasada Ingiriisku ku dhaqmayo, waxaanu yidhi, “Siyaasada Xukuumadu waa mid ku guulaysan wayday inay cadayn ka bixiso in eedaymaha iyo tuhunadu jiraan iyo in aanay jirin, waa mid loo akhrisan karo, ‘In Siyaasadaasi tahay mid ay ku dhaqmayso oo ay danaynayso wasaarada arrimaha dibadu, laakiin aanay hayn cadaymo muujinaya in eedayntoodu run tahay iyo in kale.” Sidaa waxa yidhi Asim Qureshi.

[Qadiyada Mahdi waa kiis Classic ah, ee la dagaalanka argagixisada, taas oo qof Bari ah, oo aan eed lahayn ka dhigaysa, danbiile ka dibna burburinaysa noloshiisa, shakhsi aan awoodayn oo miskiin ah, dhalinyaro ahna noloshiisi burburisay.] ayuu yidhi Asim Qureshi.

Qoyska wiilkan iyo dadka difaacaya ayaa la dhibtoon xaalada wiilkaas halka xukuumada Ingiriiska iyo kuwii danbigan sameeyayna gacmahooda maydheen ee ay marin habaabinayaan danbiga ay ka galeen wiilkaas yar ee Somaliga ah oo ay ku haystaan inuu diiday shaqadoodi.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved