Kumanan Muslimiin Ah oo Ku Banaanbaxay Addis Ababa

Saturday 3 November 20120 comments


Kumanan Muslimiin Ah oo Ku Banaanbaxay Addis Ababa
Kumaan Muslimiinta Ethiopia ah oo dibad baxyo ka dhigay jimcihii shalay Adis Ababa, iyagoo codsanayay in la soo daayo, hogaamiyeyaal ay dowladda xir xirtay

 Kumanaan dadka Reer Ethiopia ah ayaa ka mudaaharaaday xarig ay dowladda u geysatay hogaamiyeyaal ka tirsan muslimiinta Ethiopia, iyadoo kooxaha xuquuqul insaanka u dooda ay ku eedeeyeen dowladda, inay isku dayeyso inay cadaadiso dhaq dhaqaaqyo muslimiin ah oo dowladda ka ashtakoonaya.

Dibad baxayaasha ayaa jimcihii shalay isugu soo ururay Masjirka Anwar ee magaalada Addis Ababa , iyagoo dalbanayay, in la sii daayo hogaamiyeyaasha Muslimiinta Ethiopia oo u xiran eedo argagixisanimo.
 
Dibad baxayaasha ayaa lulayay marooyin cad cad, wax rabshado ahna ma aysan dhicin intii ay dibad baxyada socdeen.

Dhinaca kale , Amnesty International ayaa ku eedeysay Masuuliyiinta Ethiopia inay ku kaceen xad gudubyo ka dhan ah dadka muslimiinta ah ee mudaaharaadaya.

Muslimiinta ayaa si nabadeed uga ashtakoonayay dowladda Ethiopia sanadkan oo dhan, iyagoo ku eedeynayay in dowladdu ay dooneyso inay dalkaasi xoog uga hirgeliso Madhabta Al-ahbash oo laga soo minguuriyay Lubnan, iyo inay fargelin ku heyso doorashooyinka Golaha Sare Muslimiinta Ethiopia.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved