Ruushka Oo Maraakiib Dagaal Markale U Soo Diraaya Xeebaha Geeska Africa

Saturday 3 November 20120 comments


Dalwadda Ruushka ayaa shaaca ka qaaday in biyaha Geeska Africa ay u soo dirtay shalay oo jimca ah markab nooca dagaalka ah oo ay wehliyaan guutooyin ciidamadeeda badda kuwaa oo ka qeeyb qaadanaya lafagaalanka burcad  badeeda soomlida.
Afhayeen u hadlay Markabkan oo ku soo wajahan biyaha badweeynta hindia ayaa u sheegay wakaaladda wararka Nofisti  ayaa sheegay in markabkan uu soo shiraacday maalintii jimcaha ahayd kaa oo ku biiraya howlgalka ladagaalanka burcad badeeda.
Markabkaan ayaa waxa wehliya laba diyaaradood oo iyana qeeyb ka noqonaya dagaalka lagula jiro burcad badeeda.
Wasiirka gaashaan dhigga Ruushka ayaa sheegay in ay xukuumadda Raashka ay xoo jinayso howlgalka ladagaalanka burcad badeeda  kaa oo soo biloowday 2008dii.
Mosko ayaa todobo guuto oo ciidamada badda ah u soo dirtay biyaha geeska africa kuwaa ka mid noqnaya ololaha ka dhanka ah bur cadbadeeda.
arinkaan ayaa ku soo beeg maya xilli todobaad ka hor xafiis qaabilsan bad mareenada caalamka uu sheegay in hoos u dhac uu ku yimid falalkii bur cadbdeeda sagaalkii bilood ee ugu horeeysay sanadkaan taa oo gaartay halkii ugu hooseeysay mudo sddex sano ah .
Taasina ay ku timid iwkaashiga ballaaran ee ka dhanka ah bur cadbdeeda soomalida.
Si kastaba burcad badeeda ayaa haatan gacanta ku heeyso  tiro maraakiib ah iyo shaqaalihii saarnaa oo ay ku dalbanayso malaayiin lacagta Doolarka ah .

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved