Lamaane Waayeel Ah Oo Isku Khilaafsan Taageerada Xisbiyada Dimuqraadiga Iyo Jahmhuriyada

Friday 2 November 20120 comments


Lamaane Waayeel Ah Oo Isku Khilaafsan Taageerada Xisbiyada Dimuqraadiga Iyo Jahmhuriyada

Waxa uu codaynayaa xisbiga Jamhuuriga, iyaduna waxa ay u codaynaysaa xisbiga Dimuqraadiga , waxaana ay wadaagaan Sariir keliya.
Cimilada siyaasadeed ee dalka Mareykanka taagan xilligani , waxa ay kala qaybisay Lamaanahan oo wada noolaa ku dhawaad 50 sanno oo , waxaana jira khilaaf xagga Gogosha ah sida ay ku waramayaan qalabka warbaahinta ee gobolka Washington ee Galbeedka dalka Mareykanku.
Ana iyo odaygeeda Paul Dremousis, oo 76 jir, ayaa ku kala aragti duwan taageerada murashixiinta labada xisbi, waxaana ay wakhtiyada qaar isku maandhaafaan arrintaas.
Mrs Ana Dremousis oo gabadh aaminsan mabda’a Liberal-ku waxa habeenkii dhageysataa waxa ka socda qolka ku xiga oo uu ku nool yahay odaygeeda oo daawada Telefiishan ku hadla Luuqada Giriiga,kaasoo aanay iyadu daawan.
“ Ninkaygu waxa Wadnihiisa saameeyay xaaladan, waxa uu daawadaa Telefiishanka waana uu qayliyaa , waxaanauu daawanayaa Telefiishanka Foxnews oo soo bandhigayay muqaal uu leeyahay Madaxweynaha Obama” ayay tidhi.
Ana oo ah 67 jir Xeer-illaaliye ah hawlgab , waxa ay sheegtay in ay ninkeeda xataa dhawr isku seegeen cashada , waxaana uu isku dayaa in uu ku qanciyo sidii ay u taageeri lahayd murshaxa Jamhuuriga Mitt Romney.
Rayi-uruurin ay dhawaan sameeyeen Telefiishanka NBCNEWS iyo Wargeyska The Wall Street, ayaa lagu ogaaday in Madaxweyne Barack Obama ay codka siin doonaan haweenku, halka ninka ay loolamayaan Mitt Romney ay taageersan yihiin raggu.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved