Caruurta Soomaalida Ee Ku Dhaqan Dalka Mareykanka Gaar Ahaan Magaalada Minneapolis Oo La Baro Farta & Dhaqanka Soomaaliyeed.+(SAWIRO)

Friday 2 November 20120 comments


Caruurta Soomaalida Ee Ku Dhaqan Dalka Mareykanka Gaar Ahaan Magaalada Minneapolis Oo La Baro Farta & Dhaqanka Soomaaliyeed.

Caruurta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka gaar ahaan magaalada Minneapolis ayaa helay waxbarasho dhaqanka iyo qorista farta Soomaali, maadaama ay yihiin kuwa ku dhashay kuna barbaaray dalka Marreykanka ayna adag tahay iney helaan macallimiin Soomaaliyeed oo barta farta iyo dhaqanka Somaliga.
Waxaana hada nasiib wanaag ay heleen Macallimiin Soomaaliyeed oo aqoon u leh dhaqanka iyo Macallinnimada, iyadoo ay ka faa’iideysanayaan arday fara badan.

Caruurtan oo fasal Afka Soomaaliga iyo dhaqanka lagu barto ka helay hal Fasal Dugsiga sare ee south high oo ku yaal magaalada Minneapolis waxaa hada ka faa’iideysta in ka badan 60 Arday maadaama uu bilow yahay fasalku, waxaana la filayaa in ardayda intaas kasii badato.
Daahir Salaad Xasan oo ah Macalinka fasalka Af-Soomaaliga iyo dhaqanka ee South High ayaa sheegay in casharada uu bixiyo ay isugu jiraan Soomaaliga iyo Dhaqanka.




Waa iskuulkii ugu horeeyay ee noocan oo kale ah oo laga hirgeliyo dalka Mareykanka, kaasoo dabooli doona baahida loo qabo in caruurta Soomaaliyeed ay bartaan afkooda hooyo iyo dhaqanka dalkooda

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved