Fanaanada Ayaan Warsame Shire Oo Ka Hadashay Dilkii Abaheed Loo Geystay

Friday 2 November 20120 comments

Ayaan Warsame Shire

Fanaanada Ayaan Warsame Shire Oo Ka Hadashay Dilkii 
Abaheed Loo Geystay

Fanaanada Ayaan Warsame shire ayaa waxa ay muujisay sida ay uga xuntahay dilkii loo geystay aabaheed Abwaan warsame shire Cawaale oo kooxo hubeysani ay ku toogteen ilinka hore ee hoygiisa oo ku yaal Degmada waabari ee magaalada Muqdisho 29kii bishii tagtay ee OCT Waxeyna sheegtay in aabaheed uu aha nin muwaadin ah oo jecel Dadkiisa iyo Dalkiisa ayna dishay gacan ka gardaran .

Dhinaca kale fanaanada Ayaan Warsame Shire waxa ay tilmaamtay inta aan ladilin ka hor in aabaheed loo jeediyey hanjabaado ku aadan in la dili doono taasi uusan dhag u dhigin oo uu aamin sanaa kuna kalsoona qadarta eebe iyo in uu wakhtigiisa dhimanaayo.

Abwaan Warsame waxa uu kamid aha fanaaniinta tirade yar ee baaqiga ku ahaa Dalka ee aan dhanna uga bixin 20kii sano ee u dambeysay asagoona wax badan la wadaagay shacabka Soomaaliyeed burburkii ka jiray dalka.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved