Dhalinyaro Soomaali ah oo Isku Dishay Dalka Ingiriska

Friday 2 November 20120 comments

Somali Gangs

Dhalinyaro Soomaali ah oo Isku Dishay Dalka Ingiriska

 London(HABLAHA.COM) Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka baayac mushtarta Daroogada ayaa isku xabadeeysay gudaha dalka Ingiriiska. Waxaa la xaqiijiyay in labo wiil ay ku dhinteen isxabadayntii dhex martay kooxahaan Soomaaliyeed ee ka ganacsada Daroogada .

Mid ka mid ah labada wiil ee dhimatay ayaa walaalkiis oo ka yar waxa uu ku waaniyay inuusan ku soo biiri karin baayacmushtarka ama ka ganacsiga Daroogada balse Wiilkaan oo amarkii walaalkiis diiday ayaa maalin ka dib waxaa la tagtay Xabada.

Waxaa aad u sii badanaya Dilalka iyo Dambiyada ay geeysanayaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Qurbaha taas oo sabab looga dhigay Dhalinyaradaan oo ka yimid kuna soo koray intooda badan dalka Somalia oo fowdada ay ka tahay wax iska caadi ah.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved