Sir Alex Ferguson Oo Wax Kama Jiraan Ku Tilmaamay Eedeymaha Ay Chelsea U Soo Jeedisay Garsoore Clattenburg.

Friday 2 November 20120 comments


Sir Alex Ferguson Oo Wax Kama Jiraan Ku Tilmaamay Eedeymaha Ay Chelsea U Soo Jeedisay Garsoore Clattenburg.

Tababaraha Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa Chelsea ku weeraray eedeymaha ay ku heystaan garsoore Mark Clattenburg ee ah inuu hadalo cunsurinimo ah ku aflagaadeeyay John Obi Mikel kulankii axadii ka dhacay Stamford Bridge.


Boliiska iyo FA-ga ayaa baaraya eedeymaha lagu heysto Clattenburg ee ah inuu hadalo aan habooneyn u adeegsaday Mikel intii ay socotay ciyaarii ay axadii hore 3-2 ku badisay Man United, iyadoo Blues casaan laga siiyay labo ka mid ah ciyaaryahanadooda.

“Ma aaminsani in Mark Clattenburg uu waxaas oo kale ku hadlayo.” ayuu Sir Alex Ferguson.
“Waxaan qabaa inay tahay wax wax aan lagu fekeri karin. Waa wax aan lagu fekeri karin xilligan casriga ee lagu jiro. Kaliya ma aaminsani eedeymaha loo soo jeedinayo.

“Ma jirto si uu garsoore ugu dhaqmo sidaas aadka u hooseysa. Taas ayaa iga dhaadhacsan.


“Hadii aad barbardhigto kubada casriga 25 sanno ka hor wax badan ayaa isbedalay. Waan ogahay in hadaladii ay isdhaafsan jireen garsoorayaasha iyo ciyaartoyda 25 sanno ka hor inay isbedeshay gabi ahaanba.

“Waana halka aan ka taaganahay arinta Mark Clattenburg. Ma aaminsani waxa lagu heysto inay jiraan.”

Hadalka Ferguson ayaa imaanaya maalin ka hor markii tababaraha Arsenal Arsene Wenger uu ku eedeeyay Chelsea inay banaanka la timaado eedeymaha ay u soo jeedinayaan garsoore Clattenburg iyagoo heysta kaliya cadeyn yar. Waxaana Wenger uu sheegay inay aheyd in wax walba qolalka labiska lagu xaliyo oo aan banaanka lala imaan.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved