Haweenka Soomaaliyeed oo ay Guul Usoo Hoyatay Kadib Markii ay Gaareen Jogooyinka Sare ee Siyaasada Wadanka

Monday 5 November 20120 comments

Haweenka Soomaaliyeed oo ay Guul Usoo Hoyatay Kadib Markii ay Gaareen Jogooyinka Sare ee Siyaasada   Wadanka

Haweenka Soomaaliyeed ayaa laga soo bilaabo waxa ay si aad ah isugu hanbalyeynayeen heerka ay kagaareen siyaasada Soomaaliya kadib markii ugu horeysay gabar Soomaaliyeed ay qabato wasaarada arimaha dibadda iyo R/wasaare kuxigeen.

Marka aad booqato goobaha haweenku kubadanyahay waxa aad arkeysaa iyaga oo aad ugu faraxsan sheegayana in ay waqti dheer sugayeen in heerka intaa la’eg ay kagaaraan masraxa siyaasada Soomaalida.


Waxyaabaha haweenku ay isugu hanbalyeynayaan ayaa waxaa kamid ah in xukuumada laga siiyay saamigii ay kulahaayeen maadaama xukuumadaan ay noqotay xukuumadii ugu horeysay ee laba wasaaradood haweenku ay kaqabtaan.


Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa loo magacaabay Ra'iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibada halka Drs. Maryama Qaasim Axmed laga dhigay Wasiirkii Hormarinta adeega bulshada.


Haweenka ayaa waxa ay sidoo kale isku dhiirri gelinayaan in wali wax u dhimanyihiin oo ay rajeynayaan sedaxda jago ee ugu sareysa dalka in ay soo taabtaan wixii markaan kadanbeeya.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved