Neymar: Sida Kaliya Ee Aan Haatan Uga Garab Ciyaari Karo Messi, Waa Isagoo Santos Ku Soo Biira.

Monday 5 November 20120 comments

Neymar: Sida Kaliya Ee Aan Haatan Uga Garab Ciyaari Karo Messi, Waa Isagoo Santos Ku Soo Biira.

Weeraryahanka kooxda Santos Neymar ayaa mar kale ku celiyay in xilligan aysan ku jirin inuu u dhaqaaqo Europe isagoo sheegay inuu doonayo inuu la sii joogo kooxdiisa ilaa dhamaadka qandaraaskiisa.
Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa si joogta ah loola xiriirinayay Real Madrid iyo Barcelona, laakiin waxa uu ku kaftamay in sida kaliya ee uu uga garab ciyaari karo Lionel Messi inay tahay in xiddiga reer Argentina uu ka soo tago Camp Nou islamarkaana uu ku biiro kooxda ka dhisan Sao Paulo.

“Sida kaliya ee aan haatan uga garab ciyaari karo Lionel Messi waa hadii uu doorto inuu ku soo biiro Santos” ayuu yiri Neymar sida qortay El Mundo Deportivo.

“Waa suurtagal inay Santos laga soo wareegto isaga. Kaliya waa inaan iska iibinaa kala bar magaalada.” ayuu ku kaftamay Neymar.

20 jirkaan ayaa markaasi ka dib shaaca ka qaaday in midkoodna Barca iyo Madrid inaysan la soo xiriirin islamarkaana uu diirada saarayo kooxdiisa kaliya.
“Waxba kalama socdo arimaha Barcelona. Maalin waxaa lala xiriiriyaa inaan u dhaqaaqayo halkaas, maaalinta kalena waxaa lala xiriiriyaa inaan u socdo Madrid. Waxaan qandaraas kula jiraa Santos ilaa 2014, waana intaas waxaan ogahay.”

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved