Laacib Qadka dhexe ee ManCity:Yaya Toure Oo Sheegay Inuu Mahadweyn U Hayo Kooxda Barcelona

Monday 5 November 20120 comments

Yaya toure

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Manchester City Yaya Toure ayaa sheegay in uusan gaari lahayn heerka uu hadda joogo haddii uusan muddo saddex sano ah la soo joogi lahayn Barcelona.

Ciyaaryahanka reer Ivory Coast ayaa lagu soo daray liiska 23ka ciyaaryahan ee u magacaaban abaalmarinta Ballon  d’Or,balse waxa uu sheegay inuusan heerkaa gaari lahayn haddii uusan ku biirin kooxda Catalans.
“Nasiib ayaan lahaa markii uu tababare ii noqday Frank Rijkaard kaas oo iga caawiyay inaan horumar sameeyo. Marka ay ciyaaryahanada kale ay wadamadooda ku laabtaan waxa uu i bari jirey farsamooyin sababtoo ahaa ma lahayn waayoaragnimo badan.
“Wuxuu i tusay cajalado muuqaal ah waxana uu igala shaqeeyay tababarka sidaa darteed waxaan bartay sida looga ciyaaro weeraryahanka dhabarkiisa dambe ama loo caawiyo daafaca.”
Toure ayaa rumeysan in waayoaragnimada uu ka helay Deco,Andres Iniesta iyo Xavi Hernandez ay ka caawisey inay horumar gaaro.
“Waan daawan jirey si aan horumar u gaaro laakiin waxaan u baahday inaan dhaqaaqo, anigoo aan lahayn maskax furan wax badan ayaa ka dhacay tan iyo markii aan ku soo biiray City.
“Taasi waxa ay ahayd sababtii aan u rabay inaan kooxdaa tago si aan qeyb uga noqdo taariiqda. Markii aan Barca joogay taariiqdeeda hore ayaa loo qoray.
“Waxaa soo maray Johan Cruyff iyo  Pep Guardiola kahor inta aan iman, laakiin waan ka caawin karaa City in aan taariiq yeelato.
“Waxaan rajaynayaa markii aan gaboobo in weli hadalhaynteyada ay ka sii jiri doonto kooxda Man City,”ayuu sii raaciyay.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved