Kooxaha Man United Iyo Real Madrid Oo Ah 2aad Iyo 3aad Ee Ugu Qanisan Isboortiga Caalamka.

Monday 5 November 20120 comments

Kooxaha Man United Iyo Real Madrid Oo Ah 2aad Iyo 3aad Ee Ugu Qanisan Isboortiga Caalamka.

Manchester United iyo Real Madrid ayaa loo magacaabay kooxaha 2aad iyo 3aad ee ugu qanisan isboortiga caalamka, waana kooxaha ugu qanisan kubada cagta caalamka, sida lagu shaaciyay liiska majalada dhaqaalaha ee Forbes oo maanta soo baxay.
Waxaa liiska kooxaha isboortiga adduunka ugu sareysa dhanka taajirninada kooxda ciyaarta kubada baseball-ka ee New York Yankees ee dalka mareykanka, kuwaasoo lagu qiimeeyo 363 milyan doolar, iyadoo Manchester United oo koox kubada cagta ah ay ku soo xigto iyadoo lagu qiimeeyo 293 milyan doolar.
Kooxda heysata horyaalka Spain ayaa kaalin seddexaad ku jirta iyagoo lagu qiimeeyo 225 milyan ginni, waxaana ay ka sareeyaan kooxaha Dallas Cowboys iyo Angeles Dodgers.
Bayern Munich iyo Boston Red Sox ayaa ku kala jira lixaad iyo 7aad, waxaana sii raaca New England Patriots iyo Barcelona oo iyadana lagu qiimeeyo 176 milyan doolar.
Waxaana 10ka kooxood ee ugu qanisan Isboortiga caalamka ee ay soo saartay Forbes dhameystiraya kooxda Arsenal ee dalka Ingariiska.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved