Naag Ey Nuujisa oo Dalka Maraykanka Lagu Arkay Dhacdo Yaableh

Monday 5 November 20120 comments

Dhacdo layaab leh oo dad badani kayaabisay: Haweeney u dhalatay wadanka Mareykanka oo dhashay labo caruur ah ayaa waxa ay nuujisa canug yar oo Ey Ah.

Terri Graham oo 44 jir ah oo ku nool gobolka California ee dalkaasi Mareykanka ayaa waxa u sheegtay warkges ka soo baxa dalka Ingiriiska in ay aaminsantahay in nuujinta Eyga ay ka dhigeyso hooyo aad u wanaagsan.

Waxa ay sheegtay Mss Terri in ay jiri doonaan dad badan oo la fajici doona marka ay maqlaan in ay naaskeeda nuujiso EY.

Haweeneydaasi ayaa sheegtay in ay aragtay Eygaas oo leefaya masaasada canugeeda taasna ay ku kaliftay in iya bilawdo nuujinta Eygaasi sanadii 2010, iyadoo intaasi ku dartay in Eyga uu ahaa mid diida raashinka la siiyo Eyaha kale.

Waxa ay tilmaantay in Eygaasi ay naaskeeda nuujineysay mudo 2 sano ah taasoo ka yaabisay dad badan ku sugan dalka Mareykanka iyo daafaha caalamka.


Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved