Gabadh Ku Islaamtay Si Fudud Kadibna Si Cajiiba Oo Cilmiyaysan Salaada U Bilowday. Tolow Maxay Samaysay?

Monday 5 November 20120 comments


Gabadh lagu magacaabo AISHA kana soo jeeda waqooyiga dalka Hungry ayaa soo islaamtay kadib markii ay mid kamid ah maadooyinkii dugsigeeda sare oo aheyd taariikhda ay fikir uga qaadatay Islaamka, tasoo keentay markii ay
Jaamacadda bilaawday inay ku dhiirato in ay Islamka qaadato.

AISHA waxa ayaa sheegtay in kadib markii ay ashahaadatay oo ay qirtay in Allah uu kaligiis yahay Nabigenna Maxamad (NNKH) uu yahay rasuulkii illahay, ay bilaawday in ay salaada dukato iyada oo aan xafidsaneyn faataxada iyo dhammaan inta la akhriyo salaada gudeheeda. Waxayna ku qoranjirtay waraaqo ay ka akhrineyso, arrintan oo ay ku shegtay in ay aaminsantahay in ay wax qaldeyso maadaama ay salaadii jajabineyso, hasayeeshe Marwo Asha markii danbe wey xafidday salaada oo dhan.

Gabadhaan waxay aad uga cabatay in ay weyday dad ka caawiya in ay kusoo dhiirato Islaamka markeedii hore, iyada oo arday badan oo Muslimiin ahaa oo Jaamacadda la dhiganayay ku waas oo ay wax kaweydiisay ay u sheegeen in haddii ay Islaamto ay ku adkaan doonto.

Inta aysan Islaamka si sax ah u qaadan AISHA waxa ay soo download gareysatay Qur’aanka kariimka oo ay in badan dhageysatay. Iyadoo korka ka qabatay dhammaan qaabka loo tukanaayo, qaabka laysu daahirinayo iyo qaabka loo weysa qaadanaayo shurudahaas oo ay dhammaantod ka baratay Internetka.
Gabadhaan ayaa waxay sheegtay in iyada iyo qoyskeeeda ay ahaayeen dad aaminsanaa diinta Catholic hasa yeeshee markii horaba waxyaabaha diinta Catholic ay qabto aysan aaminsaneyn kuwaas oo ay kamid yihiin in illahay kor ahaaye aan kali la caabudin iyo waxyaabo kale, waxayna intaas sii racisay in qoyskeeda markii ay ogaadeen in ay islaamtay ay aad uga xumadeen oo ay dhibsan jireen.

AISHA ayaa tirdhi iyadoo ka hadlaysa arrimahaas. ”Jaranjarooyinka sare ayaan kutukan jiray si hooyadey aysan ii arag aniga oo tukanaya maadaama ay dhiibsaneyso, aniga oo xijaaban marka ay aragtana furka ayeey tuuri jirtay. Laakiin Allah ayaan uga mahad naqayaa markii danbe way iska key dhaaftay”.

Gabadhan Muslimada ah ayaa sheegtay in hadda ay u taagantahay qaabkii dad badan islaamka ay ugu soo bandhi lahayd si ay u islaamaan, iyadoo sidoo kale sheegtay in gabdho badan ay ugu deeqaday kutubada Qur’aanka si ay u akhristaan kadibna ay u fahmaan micnaha weyn ee diinta Islaamku ladahay.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved