Roberto Carlos: Markaan Waa Inuu Ronaldo Ku Guuleysto Ballon d’Or, waayo Sanduuqa Abaalmarinada Messi Waa Buuxaan.

Friday 16 November 20120 comments


Xiddigii hore ee Real Madrid Roberto Carlos ayaa fekerkiisa ku dhiibtay in Cistiano Ronaldo uu u qalmo inuu ku guuleysto Ballon d’Or, madaama buu yiri sanduuqii abaalmarinta ee Lionel Messi ay buuxsameen.
Ciyaaryahanka reer Argentina ayaa ku guuleystay abaalmarinta ciyaaryahanka sannadka seddexdii sanno ee u danbeysay, iyadoo ciyaaryahanka reer Portugal uu kaalinta labaad soo galay sannadkii hore, halka uu 2010 ka maqnaa seddex ciyaaryahan ee u tartameysay.
Si kastaba, halyeeygaan daafaca bidix ayaa dareensan in la joogo waqtigii uu Ronaldo ku guuleysan lahaa abaalmarinta ka dib guulihii uu gaaray xilli ciyaareedkii 2011-12.
“Sida iska cad qof walba waxa uu ka hadlayaa Messi, Laakiin waxaan ogahay inuu ku guuleystay abaalmarino ku filan, mana jiro meel banaan abaalmarin kale sanduuqiisa abaalmarinta.” ayuu Carlos u sheegay Fifa.com.
“Sidaasi darteed waxaan u codeyn lahaa Cristiano Ronaldo. Waa ciyaaryahan kuu badin kara kulamada habab kala duwan, isagoo boosas kala duwan oo weerarka ciyaari kara. Waxa uu u qalmaa inuu mar kale ku guuleysto.”
Ninka reer Brazil ayaa sidoo kale ka hadlay in tababaraha Real Madrid Jose Mourinho u qalmo abaalmarinta tababaraha sannadka ee FIFA.
“Madaama uu Pep Guardiola ka tagay Barcelona, waxaan qabaa in abaalmarinta ay tahay inuu ku guuleysto Mourinho.
“Koox tiisa oo kale ah waa ay ka adag tahay in la tababaro xul qaran, waa wax aan wax badan ka ogahay.”
Mourinho ayaa ku hogaamiyay Real Madrid horyaalkoodii ugu horeeyay xilli ciyaareedkii hore tan iyo 2008dii.




Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved