Magaalo Weyn Oo Jaceylka laga Mamnuucay arin yaableh.

Friday 16 November 20120 comments


NO  LOVE

Magaalo lagu magacaabo Khulna Oo ku talaa galbeeda wadanka Bangladesh  oo ay badanyihin muslimiinta ayaa laga mamnuucay jacaylka iyo  waxyaabo badan oo keenikara in in uu jcayl ku abuurmo.

Sidoo kale haweenka ku nool magaaladaas Ee kayar 30 sano  waxaa ayana  laga mamnuucay  in aysan bixi karin muxram la’aan’ marka ay dooneyso in ay banaanka u baxdo waxaa raacaya qof ehelkeeda ah.
Akash Muhamad oo ku nool magaalda khulana ayaa sheegay in Jacaylka uu yahay wax Khiyaali ah oo diinta Islaamka iyo dhaqan dadka Reer Bangladesh  meel uga jirin.

“Jacaylka hada jira waa mid  Dhaqan xuma ah oo wax udhimaya sumcada waalidiinta iyo mida gabadha iyo wiilka waxaan loobahanyahay inlaga hortago  fasahaadan ku sii fideeysa gobalkeena”

Go’aankaan lagu mamnuucay Jacaylka waa soo saaray golaha xildhibaanada ee gobalkaasi kuwaa oo fadhi dheer ka yeelanaye todabadkaan ayagoona ugu dambeentiina gooye in la’manuuc ay Jaceylka iyo haweenka aysan madaxa baneeysan isla markaana ay xijaabnaadan dumarka.

Amarakaan la so ragay waxaa si weeyn usoo dhaweeye waalidiinta gabdhaha dhalay kuwaa oo ku tilmaamay talaabo hormarleh oo soo celineeysa dhaqankii wanaagsanaa ee ay horay ulaahaayeen dadka reer Bangladesh.

Dhanka  kale talaabadaan lagu mamnuucay jacaylka  waxaa siweeyn uga carooday dhalinyarda ku nool gobalkaasi ku waa oo ku tilmaamay go’aankaas mid meel uga dhaceeyso xeerarka caalamiga ah ee xaquuqda Aadanaha iyo xeerka udagsan dalka Bangladesh.

Sidoo kale haydaha xaquuqda Aadanaha   ee ka hoolagala dalkaasi ayaa talaabadaas ka horjeestay ayagoo dowlada dhexe ee dalkaasi ka codsaday  in labalaabto go’aanka ay gaareen xidhibaanada golaha deegaanka  Khulna.

 


Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved