Laba Nin Oo Xabsi ku Jirtay oo Dhacdo Lala Yaabay Ka Sameeyay Xabsigii Ay Ku Jireen..!!!

Friday 16 November 20120 comments


Dhacdo la yaab leh ayaa waxaa la sheegay inay ka dhacday xabsi ku yaalo dalkaas Brazil ka dib markii laba nin oo ku jirey xabsigaas ay si la yaab leh oo aan horey loo arkin isugu dayeen inay kaga baxsadaan xabsigaas arintaas oo ay la yabaabeen dhamaan dadka aduunka.

Labdaan nin oo lagu kala magacaabo Sidney da Cruz oo 24 sano jir ah iyo Carlos Pereira oo asagana 18 sano jir ah ayaa waxaa la sheegay inay ku xirnaayeen xabsiga lagu magacaabo Delegacia de Furtos oo ku yaala magaalada Curitiba, ee koonfurta dalkaas Brazil, Laakiin labadaan nin ayaa waxay damceen inay xabsigaas kaga baxsadaan ka dib markii ay dhex galeen bacaha qashinka oo ka dibna sidii qashinkii oo kale ay shaqaaluhu dibada u tuuraan ayna halkaas ka baxaan iyagoo xor ah.

labadaan nin ayaa markii la qadeeyey ayey waxay dhexda ka galeen bacihii qashinka laga buuxiyey ka dibna waxay isa soo dhigeen halka qashinka laga qaado iyagoo sidii oo qashinka oo kale ah, Laakiin markii ay xoogaa halkaas ku sugnaayeen oo ay sugayeen in la qaado ayaa waxaa meesha soo maray mid ka mid ah ilaaladii xabsigaas kaas oo dareemay inay bacuhu dhaq dhaqaaqayaan taas oo keentay inuu si fiican u eego halkaas oo uu ku arkay nimamnkaas oo siku qarinaayo qashinkaas ka dibna halkaas ku jeexay bacihii oo uuna ka soo saarey nimankaas damacsanaa inay xabsigaas ka baxsadaan.

Ugu dambeyntiina iyadoo labadaas nin markii dambe dib loogu celiyey xabsiga ayaa ilaaliyihii dareemay dhaqdhaqaaqa nimankaas oo lagu magacaabo Cleverson Mineiro waxaa uu sheegay inuu markii hore u maleeyey inuu dooli ama jiir uu qashinka ka dhex dhaqaaqaayo ilaa uu arkey wax aysan indhihiisu rumeysan waayeen.

Sidoo kale  taliyaha booliiska ee xabsigaas oo lagu magacaabo Gerson Alves Machado waxaa uu sheegay inuu la yaabay falkaan oo uu ku tilmaamay mid caqli xumo ah maadaama bacahaasi loogu talagay wax fudud sida ay ragaas culus ugu maleeyeen in lagu qaado bacahaas sidii qashinka oo kale, labadaan nin oo markii hore loo soo qabtey baabuur ay xadeen ayaa waxaa laga yaabaa in mar kale loo xukumo isku day baxsi oo ay ku fashilmeen.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved