Haweeney Da’ah Oo Arin Dad Badan ka Yaabisay Sameeysay.

Friday 16 November 20120 comments


Lin Chen oo ah haweeney  da’ah oo  jirta 67 sano  una dhalatay dalka China ayaa sameesay arin dad badan ka yaabisay Aadna looga hadal hayo Dalka China iyo Goobo  Badan oo Caalamka kamid ah.

Haweenadaan ayaa dagan wado ay si aad ah u isticmaalaan  mootooyinka kuwaa  oo si xooli ah ku   hor maraan guriga ay dagantahay, haweenaydaan ayaa dhibsatay xawaaraha iyo dhawaqa mootooyinka ee hormara waqti walba gurigeeda hortiisa.

Waxa ayna sheegtay in cabashadeeda ay ugudbisay dhoor jeer police-ka in wax laga qabto mootooyinkaan sida daran u xawaareeya, hasa ahaatee police xaafada iyo kan jidadka intaba dhag jalaq umasiin in ay tixgaliyaan hadalka haweeneydan oo Waayeel ah.

Lin Chen ayaa fikirtay si ay uga nabad hesho dhawaqa mootooyinka sida lixaad leh ku hormara gurigeeda, iyada oo soo iibsatay boombale leh qaabka naag cooradeeda qaawantahay taas oo markii dambe ay ku dhajisay boombalaha baalaha korantada ee ku hor dhagan gurigeeda.

Dadka mootooyinka saaran ama wada markii ay arkaan boombalaha u ek of dumar bini aadam ah waxay qaboojiyaan xawaaraha ay awal ku wadeen mootooda, qofkasta oo moota wata wuxuu aad ugu mashquulaa boombalaha isaga oo meel ka soo arka boombalaha una qaata qof dumar oo meesha taagan.

maalinkii ay haweeneedaan ay ku soo dhajisay boombalaha baalaha xaafadeeda ku yaalo waxaa aad u yaaraaday in ay mootooyinka xooli ku socdaan, ruux kasta oo moota wata markii uu meel dheer ka soo arka boombalaha wuxuu yareeyaa speedka mootada.

Police -ka ayaa sheegay laga soo bilaabo xiliga ay haweenadaan boombalaha baalaha ku soo dhajisay in uu aad u yaraaday shilalka mootooyinka, waxa ayna ku amaaneyn xirfad wanaaga badan oo ay  haweeneeda   sameesay si ay Dhawaqa Mootada iskaga yareeso.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved