Ciyaariyahan Caan Ah Oo Sheegay Hadii Uusan Cunin Hilibka Ariga Gool Dhalintiisa Ay Yaraaneyso Arin Yaab Leh...!!

Friday 16 November 20120 comments


Weeraryahanka Newcastle United Papiss Cisse ayaa sheegay inuu u xiisay cunida hilib ari taasoo uu ku micneeyay inay ka caawisay mashiinkii goolasha ee uu ahaa xilli ciyaareedkii hore.

Cisse ayaa ku hogaamiyay Newcastle boos lama filaan ah oo ah kaalinta shanaad xilli ciyaareedkii hore Premier League, waxaana la sheegay in xilligaas cunadiisa ay aheyd cunno Senegal caanka ah oo hilib ari ka sameysan oo loo yaqaano Yassa.
Waxaa cunadaasi lagu soo daray jikada Newcastle ka dib markii uu baray asxaabta kale ee kooxda ciyaaryahan Demba Ba, laakiin waxa ay u muuqataa in haatan laga saaray liiska cunooyinka lagu kariyo xarunta tababarka Newcastle Darsley Park.
Tababare Alan Pardew ayaa xitaa xilli ciyaareedkii hore sheegay in laga yaabo in maraqa ariga inuu caawiyay weeraryahanka oo dhaliyay 13 gool 14 kulan uu saftay xilli ciyaareedkii hore.

“Waxaan qabaa inaan u baahanahay inaan weydiisto qolooyinka jikada ku jira sababta aysan u sameynin haatan maraqa ariga.” ayuu Cisse u sheegay Sky Tyne and Wear.

Xilli ciyaareedkan Cisse waxa uu dhaliyay seddex gool 14 kulan uu saftay.
Bishii Aprill, Newcastle waxa ay qabatay maalin la yiraahdo ‘African Day’ oo lagu qabtay garoonka tababarka, si Cisse uu is dhexgal ugu sameeyo nolasha kale ee kooxda.

Waqtigaas oo Alan Pardew oo tarjumaan a 
haan
u isticmaalayay Demba Ba si uu u la xiriiro No 9kiisa, ayaa u sheegay Daily Mail: “Waxaan cunay maraq ari, taas ayaana laga yaabaa inay buuxisay, wax aad u fiican ayay aheyd, waana ay caawisay.”

Cisse ayaa Newcastle kaga soo biiray Wolfsburg lacag 9 milyan ginni ah xagaagii hore, waxaana uu durbaba St James Park ka noqday geesi.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved