Professor Dalxa: “ Dowlada Hakala Cadeyso Kismaayo Ma soomaaliyaa Mise Waa Kenya"

Sunday 11 November 20120 comments

Professor Dalxa
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Somaliya oo la hadlay Habalaha.com ayaa si kulul uga hadlay qadiyada Somaliyeed ee ka taagan magaalada Kismaayo.

Professor Dalxa ayaa ugu baaqay madaxda dawlada somaliya inay soo kala cadeeyaan juqraafi ahaan iyo qariirada ay katirsan tahay Kismaayo ma Kenya mise Somaliya.

Waxa uu tibaaxay Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa in Magaalada Kismaayo ay ku dhaqan yihiin shacab kala duwan kana soo jeeda dhowr qabaa’il isagoo ku taliyey rabitaanka shacabkaasi maamulkooda loo sameeyo.

“Kismaayo miiska lasoo saaraa qariidadeedii miiska lasoo saaraa iyo juqraafi ahaan meesha ay katirsan tahay,madaxda dawlada ayaa ka codsanayaa inay kala cadeeyaan halka ay hoostagto kismaayo Somaliya mise Kenya ayuu yiri Prof.Dalxa”.

Waxa uu si kulul uga hadlay arimaha beeleed ee loogu xusul duubayo magaalada kismaayo maamulkeeda isagoo Dalxa meesha ka saaray in Amisom iyo Dawlada wax dhaafsiisan kusugnaan Karin kismaayo.

Dadka somaliyeed ee ku dhaqan dalka iyo dibada ayaa waxay seddexdii cisho ee lasoo dhaafay si weyn uhadal hayeen qadiyada ka taagan Kismaayo oo Kenyanku umuuqdaan inay ku doonayaan dawlad deegaan inay kasameeyaan Kenya ay maamusho.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa ku baaqay in laga hortago arinta kismaayo oo la doonayo buu yiri inay gacan aan Somali ahayn gasho iyo gumeysi la geliyo shacabka halkaasi ku dhaqan.

Axmed Madoobe iyo Ismaaciil Saxardiid oo labaduba ah katirsan hogaanka ciidamada Somalida ayaa lagu xantaa inay saaxiib dhaw la yihiin ciidamada Kenya ee la wareegay Kismaayo iyadoo arintan iyo gacan dugaaliska dawlada laga fara-maroojinayo ay iyagu maleegeen qorshaha dib looga soo celiyey magaalada Kismaayo wafdigii dawlada iyo amisom katirsanaa ee seddex cisho ka hor kismaayo gaaray.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved