YAABNAYEE MA YAABTEEN?!!!!! Gabar 10 Jir ah Oo Canug Ku Dhashay Wadanka Mexico.

Saturday 10 November 20120 comments

Puebla (Hablaha.com) - Gabar aad u yar oo 10 jir ah islamarkaana u dhalatay wadanka Mexico ayaa waxa ay dhashay canug yar oo wiil taasoo ka yaabisay dada badan oo ku nool caalamka.

Gabadhaasi oo aan wali magaceeda la shaacinin ayaa canuga yar uurka ku siday mud dhan 31 asbuuc, sida ay ku warmayaan saraakiisha caafimaadka ee dalka Mexico.

Canuga oo la tilmaamay in uu yahay mid dhicis ah ayaa haatan xaaladiisa caafimaad lagu baxnaaninayaa isbitaalka ay ku dhashay xilli la sheegay in canuga uu ka soo kabanayo cudurka neefta oo uu ku dhashay.

Canuga ay dhasahay gabadhaasi yar ayaa la sheegay in culeyskiisu yahay 1 kiilo iyo bar iyadoo haatan loo diray gurigeeda, balse waxa ay timaada Isbitaalka ay ku dhashay oo ku yaala magaalada Puebla ee dalkaasi si ay u nuujiso.

Qareenka magalaada Puebla xaafiiskiisa war laga soo saaray ayaa lagu sheegay in haatan ay baarayaan hadii gabadha ay tahay dhibane la kufsaday ama aabe uu leeyahay canuga.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegaya in xaalada caafimaad ee canuga iyo hooyadii ay tahay mid wanaagsan.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo gabar yar ku dhasho canug wadanka Mexico. Bishii August ee sanadkii hore ayaa sidaan oo kale gabar 11 jir canug ku dhashay isla dalkaasi.



Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved