Ayaan Hirsi Oo Wiil Wacal ah ( Meher la’aan) U Dhashay Wariye Caan ah.

Monday 12 November 20120 comments

Ayaan Hirsi Magan

New York(HMN)-Waa hubaal in in badan oo dadkeenna ka mid ah, siiba dhallinyarada aysan garanaynin erayga gashaan oo tilmaamaayo habdhaqan ay soomaalidu ka soo horjeeddo, kuna kooban dad fara-ku-tiris ah. 

Gashaan waa naag la nool nin aan meher sharci ah dhaxmarin, ulana dhaqanto sida afadiisa oo kale.

Dhaqanka nuucaasi ahi oo khilaafsan diimaha oo idil, waxaa ku kaco dadka qaarkii sababo kala duwan darteed.

Waxaana ka mid inuu qofka uu ka quusto cid guursato, maharsadana hadduu helo cid uu la noolaado sida ku dhacday Ayaan Hirsi Magan oo quusteedu ay gaaratay inay dhaqtarkeeda ka codsato inuu ukxanteeda qaboojiyo si ay u isticmaasho marka ay nin hesho. 

Hase yeeshee uu ka diiday, una sheegay iney tahay 37 sanno jir qura.

Hase yeeshee, waxay quusteedii soo afjarantay bishii May 2011 gii markay New York kulantay Taariikhyahanka ahna weriyaha tvga Niall Ferguson oo Brittain u dhashay, iskuna arkeen xaflad loo qabtay 100ka qof oo aduunka ugu caansan oo ay sameeysay Time Magazine.

Ayaan oo tixane galmo gogoldhaaf ah la sameeysay Niall waxay sabab u noqotay inay dumiso reerkii weriyaha, oo isu dhalay 3 carruur ah oo kala jira: 15, 14 ito 10, kuna kala tagaan asaga iyo xaaskiisa Sue Douglas inkastoo uusan weli furiin dhicin.


Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved