Abwaan Sangub Oo Mareeykanka Wanted ka ah!!! Iyo Interpol Oo Qabashadiisa Lacago Dul dhigtay. (Aqriso Warbixintan )

Monday 12 November 20120 comments


Qabashada abwaan Sangub oo la dul dhigay lacag dhan 3000 00 doolar sida uu qortay websiteka http://minnesotaindependent.com/2583/now-on-most-wanted-list-fugitive-playwright-spotted-on-video, waxaana arrinkan la sheegayaa in uu yimid kaddib markii gabadh 21 sanno jir ah ay ku eedaysay in uu fara xumeeyay inyada oo 10 sanno jir ah.

Abwaanka ayaa haatan booliska dalka Maraykanku doonayaan, waxaan ay warbixintooda ku qoreen in mar uu ka soo muuqday Video xaflad ka dhacasay dalka Djabuuti.

Haweenay degan magaalada Minesota ayaa sheegtay in uu Abwaanku jecel yahay in uu dumarka nooc kasta oo ay hadaan yar iyo weynba uu shukaansado marka aad tiraahdo faraha iga qaadna uu gabay kugu caayayo, haweenayadan ayaa magaceeda ku soo koobtay Aamina, balse diiday in la isticmaalo kan Aabaheed iyo Awogeed si aan loo ogaan.

Haya’ada Booliska Aduunka ee Interpol ayaa inyana bogeeda ku soo dabacaday raadinta Abwaankan, waxa ayna ka dalbaysaa booliska Soomaliya in ay soo qabtaan.

Abwaanka ayaa  noqonaya qofkii igu weyn ee ku jira liiska dadka dambiyada loo haysto ee dalka Maraykanka gaar ahaan magaalada Minnesta, waxaana loo haysta dambi la xariira dhinaca galmada, sida ay sheegayaan kiisas ka yaala Hennepin County District Court, dhacdan Abwaanka loo haysto ayaa dhacday 1995-tii.

Qofka dhibanaha ah ee soo dacweeyay oo jiray 21 sanno markii uu Abwaanka soo dacweeyay ayaa sheegay in uu joogay guri ka mid ah kuwa ay leeyihiin qaraabadiisa halkaas oo uu joogto u iman jiray Abwaanku, islamarkaana uu ku sameeyay xad gudub sida ay ku dacwoonaysay dhibanuhu, waxa ayna sheegtay in ay u ixtiraami jirtay sida adeerkeed oo kale.

Dhibanahan oo magaalada Washington u goortay sanaddu markii ay ahayd 1997-dii ayaaa bishii Janaanyo 2007-dii mar ay soo booqanaysay ehelkeeda oo dagan magaalada Minneapolis ay dib isu arkeen Abwaanka markale waxa uuna siiyay telifoonkiisa, kaddibna waa ay wada hadaleen waxa uuna ka dalbaday in ay mar kale kulmaan, balse iyadu codkiisa ayay duubaysay, taas oo ay ula jeeday sidii uu ku qiran lahaa in uu galmood la sameeyay iyada oo 10 sano jir ah.

Waxaana igu kalifay in aan turjumo, kaddib markii aan arkay websiteyo qorya saaka in Interpol raadinayso Abwaanka Sngub si aan u fahansiiyo waxa arrinkan ku yimid warkaan xaquuqdiisa waxa leh bogga aan ka soo xiganay anagu waan turjunay idina nala arka.

Lifaaqooduna waa kan



Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved