Maamul Goboleedka Puntland Oo Sheegtay In Dumar Badan Loo Helay Deeq Waxbarasho Jaamacadeed

Thursday 15 November 20120 comments


Gaalkacyo(Hablaha.com)-Ardaydan oo tiro ahaan gaarsiisan 30 arday gabdho ah ayaa waxaa kharashaadka deeqdan waxbarasho ugu yaboohay hay’ada QM u qaabilsan horumarinta ee UNDP.

Gabdhahan oo ka mid ah ardayda dhamaysatay Dugsiyada sare ee puntland islamarkaana aan iska bixin Karin kharashaadka waxbarashada ee jaamacadaha ayaa waxaa soo xulay wasaarada Waxbarashada ee puntland waxay ka kala socdaan dhamaan gobollada kala duwan ee Puntland ay ka kooban tahay.

Dadaalka deeqdan waxbarashada lagu helay waxaa qayb weyn ka qaadatay waaxda Horumarinta Waxbarashada gabdhaha ee Wasaarada Waxbarashada Puntland oo codsiyo farabadan u dirtay hay’ada UNDP iyo hay’adaha kale ee arrimaha horumarta iyo waxbarashada qaabilsan.

Deeqdani waxay fursad u siinaysaa 30-kan gabdhood in ay mudo afar sano ah si lacag la’aan ah wax uga bartaan jaamacadaha wadanka gudihiisa, waxayna hay’adu arrintan ay ku macnaysay mid ay uga qayb  qaadanayso dadaalada lagu kobcinayo waxbarashada gabdhaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada Puntland.

Munaasabad balaaran oo manta lagu qabtay xarunta wasaarada waxbarashada puntland ee magaalada Garowe laguna soo bandhigayay ardaydan ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta Wasaarada Waxbarashada iyo Horumarinta haweenka ee Puntland, saraakiil ka socotay hay’adda UNDP, guddiga soo xulay ardaydan iyo qaar ka mid ah ardayda fursadan loo qorsheeyay in ay ka faa’idaystaan waxaana goobtan laga akhriyay macagyada 30-ka arday ee deeqdan ku guulaysatay.

Wasiirka Waxbarashada Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa oo munaasabadan ka hadlay ayaa ugu baaqay ardayda deeqdan heshay in ay ka faa’idaystaan fursan qaaliga ah ee ay heleen, wuxuuna tilmaamay in arrintani ay tahay guul u soo hoyatay gabdhaha Soomaaliyeed ee reer Puntland kuwaas oo u baahan fursado waxbarasho si ay mar walba uga faa’idaystaan bulshadana ugu faa’ideeyaan.

Wasiirku wuxuu gabdhaha ku dhiirigaliyay in ay dadaal muujiyaan kaalin muuqatana ay bulshada ka noqdaan iyagoo dhinaca kalana ka faa’idaysanaya fursadaha wax ku oolka ah ee loo samaynayo.

Sahro Axmed Kooshin oo ah madexa waaxda horumarinta Waxbarashada gabdhaha ee wasaarada ayaa aad u faahfaahisay magacyada sodonkan gabdhood iyo gobollada ay ka soo kala xuleen, waxayna ugu baaqday dhinacyada ku hawlan waxbarashada gabdhaha in ay sidan oo kale uga qayb qaataan kobcinta waxbarashada gabdha aan iska bixin Karin kharashaadka waxbarashada.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved